Mujaahid Ahmed Jaban wixii uu shalay ka dagaalamay bay maanta dawlada Siilanyo kula kacday, Siiranyana waxba ma dhaamo Maxamed Siyaad bare.

0
604

Mujaahid Ahmed Jaban wixii uu shalay ka dagaalamay bay maanta dawlada Siilanyo kula kacday, Siiranyana waxba ma dhaamo Maxamed Siyaad bare.

 

Dhamaan waxaan salaamayaa shacbiga Somaliland, maqaalkaygan waxa igu kalifay in aan qoro tacadiyada dalka ka socda ee dawlada Siilanyo shacabka ku wado hadaba Labadii sano ee loogu daray Madaxweyne Siilanyo waxa uu bilaabay in uu boobo hantidii shacabka somaliland isagoo isticmaalaya jifadiisa ,runtii waxyaalaha ka socda dalka waa wax horseedi kara in dib loogu noqodo 1991, taas oo mudooyinkii ugu danbaysay sansanteedu maalinba maalinta ka danbaysa soo muuqato, Ahmed Siilanyo marka la eego macal Halgankii SNN waxa uu ku suntanaa in uu ahaa qof had iyo jeer kala qaybiya bulshada waxaana tusaale cad u ah isagoo hogaaminayay halgankii SNM oo aanu joognay dalka dibadiisa buu kala dilay dhaman beelaha somaliland ee markaa halganka ku jiray isagoo isticmaalayay, qabyaalad iyo kala qaybin mujaahidiintii SNM waxaana uu u horseeday in ragii ugu qaalisana ee ugu milgaha iyo raganimada badnaa ay si fudud ugu dhintaan dagaaladii siyaad bare iyadoo hab kale loo adeegsan lahaa, Siilnyo markaas waxa uu ku mashquulsanaa waxyaalaha aan sare ku soo tilmaamay, isagoo aan xabad iyo halganku waxa u ahaa marna aan arag oo dagaal galin, hadaba Mujaahid Ahmed Jaban oo ahaa mujaahid weyn oo isagoo da,adiisu tahay 54jir talaabay oo ku biiray halgankii SNMisagoo u adkaysan waayay dhibaatada lagu hayo shacabkiisa Somaliland ayaa maanta waxa isagoo da,a ah lagula kacay tii uu shalay ka baxay ee uu ka dagaalamay, isago lagu qabsaday dhul uu lahaa caruurtisina midna madaxa laga toogtay qaarna dhaawac xun loo gaystay, isagiina jeelka ku cawaynaayo isagoo dhibtaa loo gaystay, Mujaahid Ahmed jaban bahdiisi hore waxa ay ku shuf beeshay duqayn diyaaradihi Rajiimkii Maxamed siyaad bare ku qaracayeen hargaysa isagoo xaaskiisi hore iyo caruurtiisa horeba ay bombo soo tuurtay diyaaradi ku wada dhinteen, runtii waxa maanta qabsaday ayaa la mid ah tii 1988 Mujaahid Ahmed jaban uu kala kulmay xukuumadii maxamed siyaad bare hadaba waxa isku mid ah xukuumada maanta jirta iyo tii maxamed siyaad bare oo runtii cago juglayn iyo layn shacab ku haysay bulshadii ay marka u talin jirtay, waxa runtii aan loo dulqaadan karin ilaa intii uu xukunka qabtay Ahmed Siilanyo in markasta oo ay ciidanku hawl gal qaadanba sida hargaysa iyo burco iyo magaalooyinka kale ee somaliland ay ku dhintaan maato iyo caruur, tusaale markaad u soo qaato, caruurtii lagu layay mudaharadkii xaqsoor iyo mudaharaadkii burco ka dhacay ee xukuumada iyo barlamaanka u dhaxeeyay waxay dawlada Siilanyo dhaxalsiiyay in ay waalid caruurtoodi ay ku soo tabceen si yar u waayaan runtii Ahmed siilanyo waxa uu ku tuntay sharcigii dalka iyo nidaamkii dawladnimo isagoo qaarna iibsaday hayadihii qaranka qaarna police iyo cago juglayn u isticmaalay saxaafadiina ka dhigay qaar u shaqeeya iyo qaar uu cago juglayn ku wado markaa miyay muwaadin ahayn, dawladan Siilanyo mid dhinac kastaba ka shabahda tii Maxamed siyaad bare ee aanu la dagaalanay.

Eng Faisal Abdirahman

Xoghayaha Xisbiga Ucid ee Magaalada Bristol

dawlad33@outlook.com