Horta wax SHIR la yidhaa dastuurka Kulmiye meel uu kaga yaalaa ma jirto balse waxa ku yaal SHIRWAYNE oo ah haya’dda ugu saraysa Xisbiga shantii sanadoodna mar la qabto. Inta u dhaxaysa laba Shirwayne waxa Shirwaynaha wakiil ka ah Golaha Dhexe oo yeesha KALFADHIYO CAADI AH IYO KUWO AAN CAADI AHAYN. Kan bisha 10keeda mudaysani wuxu noqonayaa Kalfadhi aan caadi ahayn waayo kii caadiga ahaa wakhtigiisii waa la soo dhaafay. Kii ka horeeyey laftiisu waa kii GOLE CEEBEE ee Cabdiraxmaan Cabdilqaadir laga soo tukhaan tukhiyay. Isaguna wuxu noqonayay Kalfadhi aan caadi ahayn. Kii ka sii horeeyay waa PLAZA HOTEL isaguna Kalfadhi aan caaadi ahayn buu ahaa. Sii soco uun dee kii ka sii horeeyay isaguna kalfadhi aan caadi ahayn buu ahaa oo Hargeysa ayuu ka dhacay Axmed Silanyo iyo Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa musharaxiin loogu doortay. Maadaama Musharixiinta madaxwayne xigeenku mid ka badnayd sedex baa ku tartamay codbixintuna waxay ahayd qarsoodi. Cabdiraxman baa ku guulaystay. Waana marka keliya ee tartan dhacay Kulmiye oo keliya ayaanay ka dhacday. Saw afar maaha kii ka 5aad ma jiro ama ma xasuusni.
MARKAA WAXAN AY SHIRKII 5aad leeyihiin wuxu noqonayaa Kalfadhigii 4/5aad een caadiga ahayn ee Kulmiye