Berbera(Halsan):- Wararka naga soo gaadhaya Magaaladda Berbera ee Xatunta Gobolka Saaxil,ayaa sheegayaa inuu halkaas maanta ka dhacay Mudaharaad ay dhigayeen dadweynuhu,kaas oo ay si weyn ugaga soo horjeedeen Wareejinta Haamaha kaydka Shidaalka ee Magaaladda Berbera oo maalmihii ugu danbeeyay xiisad weyn ka abuuray Magaaladda iyo guud ahaanba Gobolka.
Ciidamadda amaanka,ayaa la sheegayaa inay dadkii kala dareeriyeen iyaga oo xabbado circa u ridayay,ilaa haddana lama soo sheegin cid wax ku noqotay iyo wax khasaare ah oo ka dhashay Mudarahaaradkaas.
Dadka,ayaa la sheegayaa inay Taayiro badan u gubeen Waddaayinka Halbawlaha ah ee Magaaladda.