Hargeysa(Halsan):-Waxa goordhawayd guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ay ku dhawaaqeen natiijada hordhaca ah ee doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 13-kii Noofember ka dhacday guud ahaanba dalka Somaliland.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay codadka ay kala heleen saddexdii xisbi Qaran ee u tartamayay hanashada hogaaminta talada dalka Somaliland ee WADDANI,UCID Iyo KULMIYE.
Gudoomiyuhu waxa uu shaaca ka qaaday codadka ay kala heleen saddexda xisbi Qaran,waxaana ay xisbiyadu kala heleen codad dhan Xisbiga UCID waxa uu helay cod dhan 23,141 (Labaatan Iyo Saddex Kun Boqol Afartan iyo KOw Cod) oo u dhiganta 4.17% (Boqolkiiba Afar dhibic todoba iyo toban), Xisbiga KULMIYE Waxa uu helay cod dhan 305,909 (Saddex Boqol Iyo Shan,Sagaal Boqol Iyo Sagaal Cod) oo u dhiganta 55% Halka Xisbiga WADDANI uu helay cod dhan 226,092 (Laba Boqol Laabatan Iyo Lix Kun iyo Laba Iyo Sagaashan) Oo U Dhiganta 40.23% (Afartan dhibic sedex iyo labaatan Boqolkiiba).
Sidaa waxa Madaxweynaha iyo kuxigeenkisa shanta sano ee soo socda ku guuleystay Mudane MUSE BIXI CABDI iyo CABDIRAXMAN CABDILLAHI SAYLICI
ALLE HA IDINKU GARAB GALO XILKA IYO MASUULIYADA AAD DUSHA KU QAADEN ….AAMIIN ,,,,,,,,,,,,,AAMIIN