Mudane Axmed -Yaasiin Sh Cali Ayaanle oo ka mid ah Golaha Wakiilada ayaa si weyn u Dhaliilay Siyaasada Somaliland Meelo Gaarana Farta ku Goday

0
702

Hargeysa( Halsan) :-Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo kamid ah Mudanayasha kasoo jeeda Gobolka Awdal, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu salka ku hayo cabashada ay Gobol ahaan ka muujiyeen Xeerka Golaha horyaalla ee Wakiillada lagu soo dooranayo. Xildhibaanka oo ka qaybgelayey doodda dhawaan  Telefishanka Horn Cable Tv arrintan ka qabtay, ayaa faahfaahin ka bixiyey laaxinka ku jira xeerka muranka ka taagan yahay, waxana uu xusay in qaraar maxkamadeed loo caddiban yahay wali,

“Xeerkan masiir umadeed buu salka ku hayaa xeerka golaha wakiillada lagu dooranayaa qoddob buu u xanniban yahay, kaas oo ah in saamiga gobollada kasoo baxaya Xubnaha Gobollada Wakiillada, Waxana maxkamaddu hore u sharciyeysay maanta oo kali ah ayaa lagu gelayaa inta laga helayo Tiro-koob oo dalka loogu qaybiyo Xubnaha Gobollada Somaliland.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.  Waxa uu saluug ka muujiyey in Haatan lasoo jeediyo in Nidaamkii 1960-kii Xulashada Wakiillada lagu Saleeyo, iyadoo dhinaca kalena xaaraan lagu tilmaamo midowgii Sanadkaas lala galay soomaaliweyn, waxana uu yidhi,“tiro-koob sax ah waddanka lagama samayn, Xuduudo lama samaynin, sidii lixdankii lagu qaybiyey ee la yidhi tan hore uun aynu ku galno dulmi bay ahayd Lixdankiina dulmi baa dhacay, markaa in lixdanku mar inuu xalaal noqdo oo dadka wax loogu qaybiyo, marna uu xaaraan noqdo nama wada qabato.”  Waxa uu xildhibaan Axmed-yaasiin su’aal ka keenay iyadoo hore reer Awdal xilli ay  haysteen mudanayaal tiradan haatan ka badan in haddana dib loo dhigo tiradii ay lahaayeen,“Golihii naga horreeyey Gobollada Awdal iyo Selel Beelaha Deggeni waxay ku lahaayeen 16-xildhibaan oo aan lagu qanacsanayn, xukuumadihii markaas jireyna waxa lagu murmayey maxaa lagu daraa, markaa maxaa keenay in 13-hoos loogu celiyo oo aan ahayn dalkaa madax laga yahay iyo ixtiraaf baa imanaya.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-yaasiin.   sagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay inay deegaan ahaan talo gaadhi doonaan haddii ay caddaalad waayaan, waxana uu yidhi,   Dawlad wadaaag baynu leenahaye Beelina Beel Marti uma aha, waxa aan xaqa u leeyahayna haddaan waayo wax kalaa iiyaalla, xukuumadda Axmed Siilaanyo ee sida ay u dhisan tahay la yaqaannnana haddaad ku qanacsan tahay waxanu walaac ka qabnaa dalku dalkii ma aha, duruuftuna duruuftii ma aha, Haddii Adeerkay Daahir Rayaale kuu ilduufi jireyna anigu kuu ilduufi maayo.”  Mudane Axmed-yaasiin oo Hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi,  “Haddii xukuumaddu ku fashilantay inay samayso tiro-koob sax ah oo lagu qanco dee tirokoobyadii 1960-kii haddaad soo qaadayso tii  1975-tii ee Ibraahim Maygaas Samatar Wasiirka Qorshaynta ahaa iyadaba wax ku qaybi.”   Waxa uu Xildhibaan Axmed-yaasiin sheegay in marar hore oo badan lagu qanciyey inay samraan oo sidaas doorashada ku galaan, balse haatan aanay aqbali doonin “Golahaas sidii lagu fadhiyey horaa loo diiday, qaladkii la yidhi 1997-kii la yidhi waa la saxayaa ee haddana 2005-kii la yidhi waa saxi doonaa inaan 2015-kana la yidhaahdo waa la saxayaaye sidii ku gal mid la qaadan karo ma aha.” Ayuu yidhi Axmed-yaasiin.  Xildhibaan Axmed-yaasiin waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiye Cirroba isku raacsan yihiin in Doorkanna Sidii horeba caadada ahayd ku-meel-gaadh lagu galo,  “In Doorashada Golaha Wakiillada Ku-meelgaadh lagu galaa waa qoddobka kaliya ee Axmed Siilaanyo iyo Cirro isku waafaqsan yihiin, waana tababarkii macalin maxamed siyaad oo in afmiishaarnimo dalka lagu dhaqo oo umadda caddaaladda doonaysa loo afmiishaareeyaa waa dhaqan jira.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here