Mucaaradkii oo noqday buurtii foolatay ee dooliga dhashay!

0
609

Mucaaradkii oo noqday buurtii foolatay ee dooliga dhashay!

Xizbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa dhawanahan sidaynu la wada socono

aad u dhaliishana xukumada madaxweyne siilaanyo, dhaliishaas oo tiro badan,

haday noqoto doorashada mudo dhaafka ah, xaalada aminga ee wadanka,

maceeshada iyo sixir bararka oo xad dhaafay.

Hadaba ayadoo dhamaan shacab weynaha Somaliland ay aad u dhaliishanaayeen

gaabiska iyo hawlgabka ku yimi xisbiyadii mucaradka oon qadananin doorkii ku

waajibka aha ee mucaradnimo ayaa kasii darane shirkii ay ku dhawaqeen ayagoo

weliba isbahaystay labada xisbi mucaarad uu noqday mid dhicisoobay.

Marka aad u fiirsato afarta qodob ee ay ku dhawaaqeen isbahaysiga mucaaradku

waa miid aad u liita muujinayana calaacal iyo daciifnimo ku jirta mucaaradka taas

oo keenaysa inay xukuumad maanta talada haysaa ay ku sii dhiirato talaabooyinka

arxan darro ee ay dalka iyo dadka ku hayso.

Waxay shacabku sugayeen talaaboyin ficil oo ku dhiirasho mudan lakiin ‘‘beesha

caalamka ayanu codsanaynaa’’ waa mid shacabka Somaliland meel ku dhac iyo

naaqusnimo ku ah.

TALO

Aduunkan aynu ku noolnay mucaaradku sifooyin kala duwan aya uu is ticmaalaa si

uu shacabka xaqiisa u soo dhiciyo ayadoon laga tegeyn ilaalinta aminiga iyo

dhaqanka ummad kastaba leeday. Tusaale

Waxaa mucaradka Somaliland u furnayd fursado badan:-

  1. Inay ka faaidaystaan ruqsadii maxakamad sare ay siisay shirkoodana ay

baladhiyaan oo ay la shiraan:-

  1. madax dhaqameedka
  2. dhalinyarada

j.culimada diinta

  1. inay sameyaan [ROAD MAP] jadwal waqtiyaysan oo hawl qabad ilaa heer gobo

loo ka bilaabmaya [DIGNIIN ilaa FICIL CELIN]

  1. beesha caalamka oo loo qaylo dirto iyo mudaaharaad waa inay noqdaan

talaabooyinka u danbeeye aanay waxba ka danbeyn

WAXAA QORAY:- MUJTAHID

Xidhiidh:- mujtahid01@outlook.com