Mucaaradka Kenya oo loo digay iyo natiijada doorashada oo wax yar ka dib lagu dhawaaqayo +Sawirro

0
583

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa mucaaradka uga digay sheegashada inuu guulaystay Raila Odinga oo madaxweynenimo ugu sharaxnaa. Arrintaas ayayna ku sheegeen mid sharci darro ah.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa sheegay in guddiga doorashada oo kali ah ay sharci u haystaan tirinta codadka iyo ku dhawaaqida natiijada doorashada.

Mucaaradka ayaa daabacay tiro iyaga u gaar ah oo muujinaysa in Odinga uu doorashada kaga horreeyo madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta.

Arrintaas ayaa ka soo horjeedda natiijada hordhaca ah ee gudiga doorashada Kenya oo muujinaysa in Uhuru uu aad u horeeyo.

Kormeereyaasha caalamiga ah ee doorashada ayaa doorashada ku tilmaamay mid xor iyo xalaal u dhacday.

Dhinaca kale, Masuuliyiinta ugu sarraysa dawladda Kenya ayaa billaabay in ay isugu tagaan xarrunta wayn ee guddiga doorashada Kenya ee ku taalla magaalada Nairobi, arrintaas ayaa lagu tilmaamay in ay astaan u tahay in lagu dhawaaqayo natiijada doorashada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Amina Maxamed iyo masuuliyiinta kele ee xulafada la ah Uhuru Kenyatta ayaa hadda ku sugan xarunta guddiga doorashada ee Bomas.

Diblamaasiyiin sarsare iyo wufuud kala duwan ayaa iyagana lagu arkay xarunta guddiga doorashada.

Ammaanka xarrunta shirarka ee KICC ayaa aad loo adkeeyay halkaas oo xubnaha xisbiga Jubilee ee talada haya ay ku sugayaan natiijada doorashada.