Mucaaradka Dalka Suuriya oo Shalay Duqayn Xoogan u gaystay Magaalada Latakia

0
657

Suuriya (Halsan):- Xoogaga mucaaridka ka dagaalamaya dalka Siiriya ayaa Salaasadii shalay duqeyn xoogan la beegsaday magaalada xeebta ku taal ee Latakia.
Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay duqeynta madaafiicda waxaana la sheegay in dhaawaca uu aad u badan yahay.
Magaalada Latakiya ayaa ah magaalo muhiim u ah dowlada Bashar Assad, waana gobalka ay kasoo jeedaan qoyska reer Assad. Deegaankaasi ayey ku badan yihiin qawmiyada Calawaydka ee shiicada ah oo ay kasoo jeedaan qoyska maamula dowlada Siiriya.
Nawaaxiga Latakiya ayey sidoo kale ku yaalaan Airporada Militariga oo ay adeegsanayaan ciidamada cirka ee Ruushka oo dhawaan bilaabay inay gacan siiyaan ciidamada Dawlada Siiriya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here