Mooshin Quutayaalka & Laaluusha Qaatayaalka W/Q.Asha Jama

0
590

Mooshin Quutayaalka & Laaluusha Qaatayaalka Maalayadii &
Maalkii ay Liqeen, Ku Mergeday, ee Ku Mala-awaali Sabtidaan
Maalkii Dadweynaha & Haamihii Wareejinaynaa, Waa Malagiini
& Xaaraanta & musuqa oo Laydinka Soo Matajiyo,
Kuwa Xaaraanta Gurta ee Xafiisyada Fadhiyna, Kuwa Xaqii shibikani Lahaa Xaabsadee Wada
Qaatay, Kuwa Aan Xishoon oo Xabaashiina Sugayso, oo Xoolaha Shacabka Xaaraan Ku daldal-
aaya, ee Digniin Weliba Soo Diraayee ee Xaaraan Ku Digriyaaya, Bal Hadlkiina Dib U Ega & wax-
aad Ku Andacooteen.
Bilee Sabtida aad Digigaxan Waydaan oo Hungurigu Idin Dilaacaa, Bilee Calooshiina Caabuqii aad
Geliseen & Xaaraantii Idin Dilaacdaa, Ilaaha Daa,inka Ayaa Daacada Jecele, Bilee Dulmigu & Musuqa
aad Daldalaysaan Cidi Idiin Dabiibi Weydaa, oo aad Dekaantaan oo Deyrana Ahaataan.
Shicibkaad Digniinta u Soo Dirteen, ee Xaqiinii & Haamihii Sabtidaan, Midigta Wada Saarayna oo aan
Saxeexaynaa oo Daalimiintii & Duligii Madaxtooyada Fadhiyey ugu Daguugaynaa, Bilee Ilaahay Waa
Xaq Sooree, Xaqii uu Soo dagaa, Kuwa Daacada oo Diiriya, oo Doollarna aan Qaadan ay Daaqada Ka
Soo Galaan, oo Laba Dible & Xadhig Adag & Dabar Laysugu Kiin daraa, oo weliba Jeelka Inta Laydin
Dhigo, Jahanabina Idiin dambaysaa.
Hooy Digniin, Damiir laawayaasha, Xaqa Umada U Soo Miciyo Lisanayoow, Cuqubo & Cadaab & Carada
oo Laydinka Dayrsho, oo Duli & darxumo & Doollarkii oo aad Eedaan, & Dunida Korkeeda ood Ku Dihan
Weydaan oo Cudur aan Dawlo Lahayn, Daa,in Idinku Keeno & naartii oo Idiin Dambaysa, oo Rabbi idun-
ku Roonaado, ee Bal inuun aakhiro & aduunka & ubadkkina dhiil Xun & Dhunkaal Haw Dhaaminina.
Wabilaahi tawfiiq

W/Q.Asha Jama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here