MO FARAH OO KAALINTA AFARAAD KA GALAY TARTANKA DIAMOND LEAGUE

0
764

Monaco( Halsan)Mo Farax oo ka mid ahaa cayaartoydii xalay ka qayb gashay tartanka orodada fudud ee loo yaqaanno diamond league oo lagu qabtay Monaco ayaa kaalinta 4aad ka galay orodka 1500 mitir.
Waa tartankii 2aad ee uu ka qayb galo tan iyo markii tababarihiisa ee Alberto Salazar ay ku soo baxday eedeyn ku saabsan dawooyinka mamnuuca ah.

Orodka waxaa ku guulaystay Asbel Kiprop oo ah 26 jir u dhashay Kenya oo kaalinta 1aad galay, wuxuuna noqday orodyahankii 5aad ee ugu dheereeyey ragga orda 1500 oo mitir inta taariikhda la ogyahay.
Mo Farax Markuu kaalinta afaraad galay kaddib ayaa waxa uu sheegay in cayaaraha soo socda ee ka dhici doona Beijing uu xoogga saari doono orodka 10,000 mitir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here