Missed Opportunity!!!!

0
1150

Missed Opportunity!!!!

 

Sanadihii 1992 iyo 1993 , waxa gacanta ku dhigay inta badan wadanka Somaliya ciidamo ka socday Qaramada midoobay oo ku socday magacii la odhan jirey Unitaf , muddo ka dibna waxaa badalay ciidamo huwana oo uu hormood u ahaa wadanka maraykanku , hawladaass kala danbeeyayna waxaa loo bixiyey Unisom 1 iyo Unisom 2 .

Hawl galadaas , wadamada ciidamada ku yaboohay waxay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee abid aduunka ku yabooha ciidamo nabad ilaalineed , wadamadaasna waxaynu ka xusi karaa , USA , Canada , Italia , Biljam pakistan ,Bangalash Nayjeeria , iyo qaar kaloo badan , goobaha ciidamadaasi joogeena waxay ahaayeen , Baladwayne ,Baydhabo

 

ilaa Kismaayo .

Intaa waxaa dheeraa , Dawladda Maraykanka oo ku deeqday cudud dhaqaale , ciidan iyo siyaasadeed oo aan qiyaas lahayn , kuwaasoo mar ciidankoodu gaadhay 32 oo askari .

waxa kale oo iyana jirtay , dardartii iyo dadaalkii uu hawshan geliyay Xoghayihii Qaramadda midoobay , Dr Butrus Qali , oo ahaa aqoonyahan iyo siyaasi u dhashay wadanka Masar oo dani dalkiisu leeyahay awgeed si xoogle hawshan u waday .

Cadaadiskii iyo cidhiidhigii ugu badnaa , Dr Butrus Qaali , wuxuu saaray , Somalilnd , hassa yeeshee Madaxwaynayaashii somaliland ee C/raxmaan iyo Cigaal ayaa sutidda u qoray , kana diiday in Somaliland la keeno ciidamo nabad ilaalineed , isna dagaal waxba ulama hadhin Somaliland ,ilaa qalabkii miino baadhista oo bada kusoo jirey uu amray in loo leexiyo wadanka Angola .

si kastaba ahaatee , arrintaasi waxay ku dhamaatay fashilaad iyo guuldarro horaantii 1995 , ka dib markii xaryihii ciidamadda maraykanka shacbiga reer mogdisho biliqaysteen markii maraykanku iskaga huleelay .

arrimahana waxaa si faahfaahsan ugaga waramay buugiisa , Missed opportunity, Ambassador Mahamed sahnuun oo ahaa wakiilkii Qaramadda midoobay ee waagaas , intaan laggu badalin ,Ambasador Kitaani .

Mar kale , waxaa Soomaaliya yimi hawgalka Qaramadda midoobay ee la baxay Amisom , kaasoo ina u muuqda in uu ku dhamaaday siddii uu ku dhamaaday hawlgalkii ka horeeyey ee Unisom ,gabagabadiisuna noqtay , fursadii luntay ee uu sagaashamaadkii sheegay Ambassador Saxnuun

( Missed Opportunity)

W/Q: Axmed Nuur Guruje.