Milicsiga Muraayo Garaad iyo Muqaalkeedii Shirkii Kulmiye!

0
650

Shirkii 7aad ee Golaha Dhexe ee Kulmiye ee ku qabsoomay Maansoor Hotel 10 November 2015 waxaa uu ahaa mid dhacdooyinkii ka dhacay ay tiro badnaayeen oo aan laga wada sheekayn Karin marka laga fiiriyo ficiladii shakhsiyaadkii tirada yaraa ee Shirka ku sugnaa iyaga oo haddana lasafnaa Isbahaysigii Mucaaridka kulmiye ee shirkaa dibed jooga ka ahaa. Waxaa ka dhacay arimo mucjiso ah oo mudo dheer lahadal hayn doono ama wax laga qori doono. Waxaa Guul taariikhiya halkaa ka gaadhay Masuul muddo lix sanadood ku dhawaad madaxa lagaga taagnaa oo marba inta la’aaso ciida lagu rogaayey oo haddana kasoo baxaayey! waxaa isku bahaystey kooxo Saaxada siyaasada ku cusbaa .Waxaana xusid mudan natiijadaa taariikhda gashay inuu ku gaadhay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye Mudane Muse Biixi; Adkaysi, Samir,Dulqaad, karaan-adkaan, Waaya-aragnimo, Daacadnimo iyo isaga oo ay ka muuqato sifooyinkii hogaamiye suubani lahaan jiray.
Aan usoo laabto ujeedada iyo muuqaalkii laga arkaayey Marwo Muraayad Garaad (Wasiirka Maaliyada Sland). In yar aan ka horeysiiyo dhacdadan . muraayo waxay ahaan jirtay xubnihii ama masuuliyiintii taageerada iyo hiilka lasoo garabtaagnaa Mujaahid Muse Bixi. Haseyeeshee todobaadyo ka hor shirkaa kulmiye ayaa waxaa la helay warar sheegaaya inay mawqifkeedii badashay oo lagu ogaado dhinaca Isbahaysiga Mucaaridka kulmiye. Iyada oo sidaa qabta ayaa waxay ka mid noqotay Xubnihii Wasiirada Xukuumada Silaanyo aan iska casilin iyaga oo qaba mawqifkaa aynu soo sheegnay ee Shirkii kulmiye ka qayb galay. Balse ka qayb galkaa waxa u weheliyey Qorshayaal iyo Mu’aamarado lidi ku ah Musharaxii Madaxweyne ee halkaa lagu doortay,, waxayna arintaasi ahayd markii uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu tanaasulay oo aanu musharax noqon doonin Doorashooyinka inagu soo foolka leh ayaa waxay markaliya ooda ka qaaday BAROOR iyo Orod ay dibeda uga baxday madasha “ BAROORTU ORGIGA KA WEYN”! iyada u dhigaysay inay ka xumaatay mawqifka madaxweynu qaatay oo ay jeclayd inuu sii joogo. Haseyeeshee , waxaa u hooseeyey shirqool ay ugu talagashay in shirku burburo oo dibeda looga soo wadabaxo oo buuq yimaad .
Gabagadii; waxa uu ahaa Mu’aamaraad fashilmay , haddiise xaalkeedu halkaa taagnaa, waxa u roonayd inay raacdo cidii ay la mawqifka ahayd ee ka dareertay xukuumada.
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here