Ciidamada Ciraaq oo isku dayeya in ay kooxda la baxday Dowladda Islaamka ka saaraan magaalada Mosul ayaa sheegay iney gaareen bartamaha magaaladaas.
Saraakiisha ciidamada ayaa xusay inay haatan dhawr boqol oo mitir u jiraan webiga Dajla ee kala qaybiya magaaladaas.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda waxa mar labaad u suurtowday inay ku siqaan dhanka bari ee magaalada Mosul dhawr todobaad oo is mari waa ahaa ka dib.
Saaka, ayaa waxay sheegeen in ay qabsadeen xaafad kale oo la yidhaa Al-Qufraan ka dib markii ay Jimcihii gacanta ku dhigeen degmada Al-Muthana.
Kooxda Daacish ayaa weli ku xoogan galbeedka magaalada Mosul, waxaana halkaas ka jooga dagaalyahano gaaraya tobanaan kun, waxaana ciidamada ciraaq ku adkaan doonta iney si fudud u jebiyaan inkastoo dagaalka ay guulo la taaban karo ka gaareen.