Midawga Yurub Oo Wada Mashruuc Lagu Tayaynayo Hay’addaha Sirdoonka Ee Waddamo Somaliland Ka Mid Tahay

0
869

Hargeysa(Halsan) :-Ururka EU-da ee ay ku mideysan yihiin Waddamadda reer Galbeedka ee Reer Yurubka, ayaa wadda qorshe ay waddamadda ku yaala Bariga Qaaradda Afrika ee ay ka mid yihiin Somaliland,Jabuuti,Kenya, Ethoipia, Eritrea, South Sudan, Sudan, Uganda, Yemen iyo Somalia, inay ka hirgelin doonaan Mashruuc lagu tayeynaayo laguna tababaraayo Ciidmadda Hay’addaha Sirdoonka ee waddamaddan, taasi oo u jeedada laga leeyahana ay tahay si looga hortago khatarta kooxda Xag jirka ah ee Daacish, iyada oo ay ku bixi doonto Lacag Milyanaad doolar ah oo ay bixinayaan ururka EU-da.

 

Sida lagu sheegey  warbixin lagu daabacay Wakaaladda Caalamiga ah ee EU-OBSERVER.com, waxa midawga Yurub ay sheegeen in Mashaariicdan Dalalka ku yaala Bariga Afrika ee Somaliland ka midka tahay, ay uga dan leeyihiin sidiii loo horumarin lahaa hay’addaha Sirdoonka ee Waddamadda Bariga Afrika (east African security agencies), waxana Barnaamijkan qeybtiisa hore ee Tababaradda Hay’addaha Waddamadda East Afrika ku yaala la hirgelin doona dabayaaqada sannadkan 2015-ka iyo sannadka soo socda ee 2016-ka, waxaana ku bixi doonta qorshaha shanta Sanno lacag gaadheysa 11 Milyan oo lacagta reer Yurub ah, kaasi oo Khamiistii hore ee bisha June aheyd 25-ka lagu daahfuray magaaladda Nairobi ee dalka Kenya Shir Saddex Cisho soconaaya kaasi oo lagu baranaayey xograadinta kooxaha xag jirka ah iyo sida loo la tacaalo.

 

 

 

Ururka Midawga reer Yurub ee EU-da ayaanay aheyn markii u horeysay ee waddamadda Bariga Afrika ku yaala ay ka hirgeliyaan Mashaariic dhinaca la dagaalanka argagixisada lagaga hortagaayo, waxaana tan iyo sannaddii 2007-dii socday Mashaariic ay ku baxeen lacag ka badan 1 Bilyan oo lacagta reer Yurub ah, kuwaasi oo ay fuliyeen Ciimadda Badmareenka waddamadda yurub ee India Ocean-ka iyo kuwa hawlgalka tababarka Milatariga ee Somalia iyo Barnaamijyo lagu baranaayo fahanka Xagjireynta oo tababaro loogu qabtay dadka dhalinyarta ah ee waddamadda Somaliland iyo Kenya.

 

 

 

Madaxa Barnaamijkan Waddamadda Bariga Afrika Sirdoonkooda lagu tababaraayo u qaabilsan dalalka EU-da Mr David Hotte oo la hadlaayey Wakaaladda EUobserver waxa uu yidhi “ Halkan umaanaan Iman (Waddamadda Bariga Afrika) in aanu tiro koobno waddamadda, waxaanu u joogna in aanu Caawino, xaqiiqdiina waxaanu ka hadlaynaa Mashruuc ay ku baxayso Bilyanaad doolar”

 

 

 

Mr David Hotte waxa uu sido kale sheegay inay Hawlgalkan uu madaxda ka yahay ee ay Midawga Yurub ku tababarayaan Hay’addaha waddamadda Bariga Afrika ku yaala  sido kale lagu tababari doono madaxda dawladaha dalkaasi ee hawshani quseyso, madaxda Ciidamadda iyo hay’addaha Garsoorka lana horumarin doono hayaddaha sharciga isla markaana ay waddamadu wadaagi doonaan macluumaadka Sirdoonka ee Xuduudaha , si loo sameeyo hay’ad daba gal baadhitaaneed oo dhaqaaleeda leh oo waddamadda ka dhexaysa.

 

Waxa uu ugu dambeyntii Sarkaalkani reer Yurub sheegay inay Hawlgalka ay sido kale qayb ka tahay la socoshadda bal in lacagaha habka (Electronic Mobile Money Transfer) ah ee Moobilada layskugu diro oo hada Lacago Milyanaad doolar ah layskugu diro gaar ahaan waddamadda ku yaala Bariga Afrika, bal in lacagtaasi wax yaareeyo ka mid ah ay loo isticimaalo in loo diro kooxo xag jira iyo in kale inay arimahaasina la socon doonaan.

 

Waxaana Mashaariicdan lagu tababaraayo Hay’addaha Sirdoonka ee Waddamadda Bariga Afrika dhinac socda mashruuc kale oo dalalka reer Yurub isagana maalgelinayaan kaasi oo dawladda Faransiisku gacanta ku hayso lagana maamulaayo Magaaladda Nairopi ee dalka Kenya, iyada oo mashruucan Farankiisku horseedka ka yahay dulucdiisu tahay dabagalka lacagaha Mobile-da layskaga diro iyo inay hay’addaha mandaqadda ka hawlgalay ee ku shaqeeya nidaamka Xawilaada Lacagtu inay lacagtaasi gaadho gacmaha kooxaha Argagixisadda ah ee gobolka ka jira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here