Mid kamid ah Shirkadaha Gawaarida sameysa oo qiratay in Macaamiisheeda ay qiyaantay + Sawirada

0
717

Shirkada Baabuurta sameysa ee Mitsubishi, ayaa markii ugu horeesay waxa ay qiratay in ay qiyaano ku sameesay macaamiisheeda ayna ka been sheegtay hanaanka lagu tijaabiyo isticmaalka shidaalka ee baaburta shirkadaasi.

Waxa ay qiratay shirkada in ay ka been sheegtay mudo 25-sano ah hanaanka lagu tijaabiyo isticmaalka shidaalka baabuurta ay soo saarto , waxa ayna qiarshadan ay timid kadib markii isbuucii hore la shaaciyay in ay shirkada ay been sheegtay.

Madaxwayne ku xigeenka shirkadda Mitsubishi Ryugo Nakao oo maanta Warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Tokyo, ayaa sheegay in shirkadooda ay ka been sheegtay tijaabinta isticmaalka shidaalka, qaabkana ku isticmaalayeen suuqyada dalkaas tan iyo 1991-dii.

Ryugo Nakao , ayaa tilmaamay in aysan ogeyn inta nuuc ay arintan qiyaanada ah ay sameeyeen ay saameynta ku yeelatay iyo nuucyada gaadiid, waxa uuna intaa raaciyay in aysan sawir buuxa ka haysanin waxa dhacay ayna isku dayayaan in ay go’aan ka gaaraan arrintaas.

Qirashada shirkada gawaarida sameysa Mitsubishi ee ku aadan in ay qiyaantay macaamiisheeda ayaa saameyn badan ku yeelatay saamiyada shirkadaasi oo la tilmaamay in ay soo food saartay hoos u dhac aad u balaaran.

Mitsubishi Motors Corp's President Tetsuro Aikawa attends a news conference at the transport ministry in Tokyo, Japan, April 26, 2016.  REUTERS/Thomas Peter
Mitsubishi Motors Corp’s President Tetsuro Aikawa attends a news conference at the transport ministry in Tokyo, Japan, April 26, 2016. REUTERS/Thomas Peter
Mitsubishi Motors Corp's President Tetsuro Aikawa (C) bows with other company executives during a news conference at the transport ministry in Tokyo, Japan, April 26, 2016.  REUTERS/Thomas Peter
Mitsubishi Motors Corp’s President Tetsuro Aikawa (C) bows with other company executives during a news conference at the transport ministry in Tokyo, Japan, April 26, 2016. REUTERS/Thomas Peter
A Mitsubishi Motors dealership is shown in Poway, California July 27, 2015.  REUTERS/Mike Blake/File Photo
A Mitsubishi Motors dealership is shown in Poway, California July 27, 2015. REUTERS/Mike Blake/File Photo