Mid Kamid Ah Hogaamiyayaasha Kooxda Xisbullah Oo Duqayn Cirka Ah Lagu Dilay

0
636

Hargeysa(Halsan): -Kooxda mintidka ah ee Xisbullah ayaa sheegeysa in la dilay mid ka mid ah taliyeyaasheeda sar-sare oo lagu magacaabi jiray Mustafa Badreddine.

Wararka laga helaya dhanka warbaahinta ayaa sheegaya in Badreddine lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay israa’iil ka geysatay gudaha Suuriya.

Badreddine lagu sheegay in uu yahay qofka labaad ee ugu sarreeya hoggaanka Xisbullah, waxa uuna hadda hoggaaminayay mitidiin ka tirsan kooxdani oo taageerayay ciidamada dowladda Suuriya.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday kooxda Xisbullah ayaa lagu sheegay in Badreddine uu tan iyo sanadkii 1982 uu ka qayb qaatay hawlgallada kooxdani.

Ninkani waxa uu wajahayay xannibaad caalami ah kaddib markii Qaramada Midoobey ay ku eedeysay dilka ra’iisalwasaarahii hore ee Lubnaan Rafiq Xariiri.

Kuwait ayaa horey dil ugu xukuntay Badreddine oo ku eedeysnaa qarax dalkaasi ka dhacay waxaase uu xabsiga ka baxsaday xilligii weerarkii Ciraaq ee sanadkii 1990-kii.