Mid ka midah Jabhadihii ugu waqtiga dheeraa caalamka oo ugu dambeyn hubka dhigtay + Sawirro

0
611

Kooxdii mucaaradka dalka Colombia ee FARC oo ka mid ah jabhadaha ugu waqtiga dheer ee soo maray caalamka ayaa ugu dambeyn hubka dhigtay.

Gaarigii ugu dambeeyay ee ay ku raran yihiin hub ay leeyihiin kooxdii hore ee mucaaradka dalka Colombia, ee FARC ayaa laga saaray meelo ka mid ah dalkaasi, iyadoo taageero laga helayo Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha dalka Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa sheegay in tan ay tahay guushii ugu dambeysay ee dalkaasi uu ka gaaro dagaalkii soo jiitamayay muddada kontonka iyo labada sano ah.

Wuxuu madaxweynuhu sharraxaad ka bixiyay sida xoogagga hubeysan ee dalkaasi loogu daad gureyn doono deegaannadii ay ka baxeen kooxda FARC.

Ciidamada ayaa sugi doona ammaanka bulshada iyagoo sidoo kale ka caawin doona dhismaha waddooyinka.

Madaxa howl-galka Qaramada Midoobay ee dalka Colombia, Jean Arnault, ayaa sheegay in toddoba iyo toban kunteenarro ay ka buuxaan hub laga saaray goobaha ku meel gaarka ah. Dagaal-yahannadii hore ee FARC ayaa lagu wadaa in lagu dhex daro bulshada.

Dowladda Colombia iyo fallaagada FARC ayaa wada saxiixday heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda socotay muddada ka badan nus qarniga.

Madaxweyne Juan Manuel Santos iyo hoggaamiyaha fallaagadani Rodrigo Londono oo loo yaqaan Timochenko ayaa sanadkii hore magaalada Cartagena, waxaay qalin rasaas ka sameysan ku saxiixeen heshiiskaasi.

Tallaabadan ayaa dhameystir u ah hannaan lagu soo afjarayo dagaalka muddada 50-ka sano ah ka socda dalkaasi, isla maraakana ay fallaagadaasi ku noqoneyso dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo sharci ah.

Ku dhowaad 7,000 oo dabley ayaa hadda la xaqiijiyey iney hubka dhigeen, kuwaasoo la isugu geeyey 26 xarumood oo si ku meel gaar ah ay u degi doonaan.

Xarumahaas ayaa lagu diiwaan gelinayay dagaalyahanada, waxaana laga caawinayaa sidii ay bulshada u dhexgali lahaayeen.

AFP_G8824


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here