Warbaahinta dalka Indonesia ayaa tabinaya dhacdo naxtin iyo layaab leh oo ka dhacday Jaziirad kutaala dalkaasi kadib markii Jabiso weyn ay Nolosha ku liqday nin dhalinyaro ahaa. Nin 25-sano jir ahaa oo lagu magacaabo Akbar Salubiro oo kunoolaa Jaziirada Sulawesi ee dalka Indonesia ayaa la waayay maalintii axada, waxaana ninkan laga baadi goobayay Jaziiradii uu kunoolaa iyadoona markii dambe la waayay. Sargaal katirsan Booliiska Indonesia ayaa warbaahinta u sheegay in xili lagu guda jiray baadi goobka ninka la waayay ay dadka deegaanka arkeen Mas nuuca jabisada loo yaqaan oo aad u weyn oo ku jirtay god. Dadka deegaanka oo tuhmay in jabisada ay dishay ayna liqday ninka ay baadi goobayaan ayaa dilay jabisada kana dilaaciyay caloosha , waxaana caloosha jabisada laga soo saaray meydka ninka dhalinyarada ah ay liqday jabisada. Jabisada liqday ninka dhalinyarada ah ee kunoolaa Jaziirada Sulawesi ayaa dhirirkeeda lagu sheegay in uu gaarayya 7-mitir, waxaana dadka kunool Jaziiradaasi layaab ku noqotay jabisada dishay ninkan dhalinyarada ah kadibna liqday. |