Meydadka dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay Yaman oo wali la aasin iyo Sababta oo la cadeeyay

0
727
Meydadka dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay Yaman oo wali la aasin iyo Sababta oo la cadeeyay

 

Diyaarad nuuca qumaatiga u kaca oon wali la ogeyn cida iska leh ayaa 19-kii bishii Marso waxa ay gantaal ku dhufatay dooni ay saarnaayeen qaxooti Soomaaliyeed oo marayay biyaha dalka Yaman iyagoo kusii jeeday dalka Sudan.

Gantaalka lagu dhuftay doontaasi waxaa ku dhintay in ka badan 40-qof oo Soomaali ah ay ku jiraan haween iyo caruur, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro badan oo qaarkood hada qabaan dhaawacyo halis ah walina Isbitaalo ku jira.

Doonta la weeraray ayaa ka baxday xeebta magaalada Xudeyda ee dalka Yaman, waxaana meydadka iyo dhaawacyada dadkii Soomaaliyeed ee wax ku noqday duqeyntaasi dib loogu celiyay magaalada Xudeyda.

Meydadka dadka Soomaaliyeed ayaa wali ku jira Isbitaalo kuyaala magaalada Xudeyda, waxaana la sheegay in wali aan la aasin oo ay ku jiraan qaboojiyaal , waxaana socda dadaalo lagu raadinayo ehelada dadkaasi dhintay.

Qunsulka Soomaaliya ee dalka Yaman Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in socdaal dadaalo lagu doonayo in lagu aaso meydadka qaxootiga Soomaaliyeed oo wali ku jira Isbitalao kuyaala magaalada Xudeyda.

Waxa uu sheegay Qunsulka in uu arintan kala hadlay Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibada , waxa uuna tilmaamay in ay isku raaceen sidii wax looga qaban lahaa dadka dhaawacyada qaba iyo sida loo aasi lahaa dadka dhintay.

Qusulka ayaa sidoo kale sheegay in ay baadi goob ugu jiraan ehelada dadka Soomaaliyeed ee geeriyooday, waxa uuna xusay in ay Burco ka heleen ehelada 9-qof oo kamid ahaa dadka geeriyooday ayna codsadeen in la aaso dadkooda.

Sababta Meydadka loo aasi waayay ayuu ku sheegay Qunsulka in ay tahay dadka dhintay oon eheladooda wali laheyn, waxa uuna tilmaamay in hada qaboojiyaal ku jiraan meydadka 31-kamid ah dadkii lagu dilay duqeyntii doonta lala beegsaday

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada duqeyntan lagu laayay qaxootigan Soomaaliyeed ee ka baxsanayay colaada ka aloosan dalka Yaman, mana jirto ilaa hada cid baaritaano rasmi ah ku sameesay dilkaasi marka laga reebo in lagu tuhmayo isbaheysiga uu Sacuudigu hogaaminayo.