MAXKAMADDA GOBOLKA HARGAYSA OO BOOLISKA KU AMARTAY INAY OODDA KA QAADAAN XUBNAHA FANAANIINTA XIDIGAHA GEESKA EE XIDHAN+HABKA LOO SOO QABTAY OO AY MAXKAMADDU SALLUUG KA MUUJISAY

0
659

Hargaysa:(Halsan):-Guddoomiyaha maxkamada gobolka ee Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa amar qoraal ah oo uu soo saaray maanta wuxuu go’aamiyay in xoriyadoodii loo soo celiyo fanaaniinta Nimcaan Cabdiraxman Xasan, Maxamed Axmed Bakaal, Cabdiraxman Caydiid Cabdi iyo Xamda Cabdi Kiinaal.

 

Fanaaniinta ayaa boliisku ka qabteen gegida dayuuradaha ee Hargeysa iyagoo Axadii ka soo laabtay magaalada Muqdisho oo ay bandhig faneed ka soo dhigeen Ciidii.

Maxkamadu waxay ku amartay taliyaha qaybta boliiska ee dambi baarista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee boliiska ee Hargeysa inay isla maanta sii daayaan maxaabiistaasi afarta fanaan.

Maxkamadu waxay sheegtay boliisku inuu ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xariga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.

Qoraalka maxkamadda waxaa kaloo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25-aad oo daamanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxkamadu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baaro, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin , ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xirin garsoore awood u leh.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in garsooraha maxkamada gobolka Hargeysa shalay ku diiday boliiska inuu sii hayo maxaabiistan, isagoo u cadeeyay boliiska garsoorhu inaanay maxaabiistani garsoorka u xidhneyn.