Hargeysa(Halsan):- Waxa magaalada Jig Jiga gaadhey wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland,waxaana waftigaasi kamid ah wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland .
waftigan ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Jig Jiga,iyada oo ay halkaasi kaga hor yimaadeen xubno kamid ah wasiiradda Dawlada Federalka ah ee Ethiopia iyo kuwa dawlad degaanka Somalida.
waftigan Ka socda Somaliland ayaa la filayaa inay magaalada Jig Jiga kaga qayb galaan shir halkaasi ka dhici doono oo lagaga wada hadlaayo dhinaca Ganacsiga,Amaanka iyo sidoo kale Xuduudaha labada dal u dhexeeya.
ilaa hadda wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland kama soo bixi wax war ah oo ku saabsan shirkaasi.