Maxamed Biixi Yoonis Oo Berri Hargeysa Ka Degaya, iyo waxyaabaha u qorshaysan.

0
701

London (Halsan):– Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa sabtidii maanta (shallay) wakhti danbe wuxuu ka dhoofay gegida diyaaradaha Heathrow  ee magaalada London, isagoo maalinimada axaddana ku beegan madaarka Egal Intl Airport ee caasimadda Hargeysa, halkaasi oo la filayo in kumanaankun qof oo taageersani ku soo dhaweeyaan.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo aanu weydiinay siduu u arko ololaha guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku jawaabay “Muuse biixi waa nin aanu saaxiib nahay, waxaan soo dhawaynaya inaanu gallo tartan nadiif ah, cidda na kala dooranaysaana waa golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, waxaanu ku kala bixi doona waa codkaasi iyo qiimaynta lagu samayn doono faraqa siyaasiga ah ee noo dhexeeya aniga iyo isaga, yaa dalka hogaankiisa dan u ah, yaa Somaliland aayaheeda iyo mustaqbalkeeda siyaasiga ah wax ka bedeli kara” ayuu yidhi Mr. Yoonis.

Maxamed Biixi Yoonis wuxuu sheegay inuu habeen iyo maalinba ka shaqayn doono danaha shacabka Somaliland, wuxuuna sheegay inuu samayn doono olole tusaale u noqda siyaasadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland “waa wax inagu cusub in saaxadda siyaasadda ee heer xisbi lagu tartamo, waxaan soo jeedinaya in aynu ololaha ku koobno maba’diida, isla markaana waxaan usoo jeedinaya musharaxiinta kale ee xisbiga Kulmiye inaanu ka wada shaqayno sidii aynu u bari lahayn shacabkeena in laga guuro siyaasadda ku dhisan qabiilka, loona guuri lahaa mabda’a” ayuu yidhi Mr. Yoonis

Wasiir Yoonis oo aanu weydiinay in xubno ka mid ah golaha wasiiradda uu ka tirsanyahay ay bilaabeen durtaba inay taageeraan musharaxnimada Muuse Biixi wuxuu ku jawaabay “anigu xallay ayuunban ku dhawaaqay musharaxnimadayda, welina la isma gaadhin, waynu u joogi doona mustaqbalka haddii alla idmo” ayuu yidhi Mr. Yoonis