Maxakamadda Dastuuriga Ah Oo Ogolaatay Shirarka Mucaaradka, Kana Reebtay Qabashada Shir Qaran+xukuumadu maxay ka tidhi

0
688

downloadHargeysa(HALSAN)July-23-2015:-Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in Asxaabta mucaaradka ahi xaq u leeyihiin qabsashada Shirar u gaar ah, balse waxay ka reebtay qabashada shir aayo ka tashi qaran oo asxaabtu hogaamiso. Maxakamadda ayaa sheegtay inaan xeerarka dalku Ogolayn shir Qaran oo aanay hogaaminayn goleyaasha qaranka sida golaha xukumadda iyo golaha baarlamaanka.

Kulan galinkii hore ee maanta ka dhacay xarunta Maxakamadda sare ee Somaliland waxaa goob joog ka ahaa hogaanka xisbiyada iyo xukumadda, waxaana lagu shaaciyay go’aanka dacwad asxaabta mucaaradka ahi shalay u gudbiyeen maxakamadda oo ay kaga cabanayeen go’aan wasaaradda daakhiliga iyo taliska boolisku kaga hor istaageen shir asxaabtu qabsato.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa go’aanka kadib sheegay inay aqbaleen go’aanka maxakamadda islamarkaana fulinayaan. waxa uu sheegay in asxaabtu hadda fasax u haysato qabsashada shir u gaar ah oo ay arrimahooda kaga hadlaan.

Geesta kale hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabadan, waxaana ay ku tilmaameen mid geesinimo leh oo uu si cadaalad ah u xukumay guddoomiyaha Maxkamadda sare Pro.Aadan Xaaji Cali.

Musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga UCID, ayaa sheegay in go’aankani yahay mid dhiiri galinaya asxaabta mucaaradka ah islamarkaana u soo celiyey xuuqdii laga duudsiyey ee qabsashada shirarka.

HALSAN MEDIA

HARGEISA SOMALILAND