Maxaad kala socotaa guusha laga gaarey dagaalkii Daacish ee Mosul

0
608

Kadib guushii ay ka gaareen Mosul RW-ha dalka Ciraaq ninka lagu magacaabo Xaydar Al-Cabbaadi, ayaa gaarey halkaasi.

Cabbaadi ayaa sheegey in dowladiisa iyo xulufadii is garabsanayey ay ka saareen magaalada Mosul dhamaan kooxihii hoos tagayay Daacish, isagoona sheegey in Mosul ay tahay magaalo xor ah.

TV-yadda caalamka ayaa soo qabtey muqaalo muujinaya RW Cabbaadi oo hambalyada farxada guusha la wareegida Mosul.

Saacadaha soo socda ayaa la filaya in Mr Cabbaadi uu khudbad weyn uu ka jeedin doono magaaladaasi, isagoona ku cadeyn doona guusha ay dagaalkii mosul ka gaareen.

Sida BBC-du ay qoreyso Soddon ka mid ah ayaa la sheegay in la dilay iyagoo doonaya in ay baxsadaan oo isku tuuray webiga Dejla. Qiiqa ka baxaya badhtamaha magaalada ayaa cirka isku shareeray, waxaana la maqlayaa rasaas googoos ah wadooyinkana waxa wadhan maydka dagaalyahannadda kooxda Daacish.

Guusha dagaalkan ayaa imaneysa kadib markii Daacishta meesha heysata lagula dagaalamayey magaalada mudo ku siman 9 bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here