Maxaabiistii maamul goboleedka Galmudug ee somaliya ka qabatay Kooxda Al-Shabaab oo maanta deeq la gaarsiiyay+ SAWIRO

0
604

Waxaa maanta Deeq isugu jirta Dhar iyo Kabo la gaarsiiyay maxaabiis katirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab dhawaan maamulka Galmudug ay kusoo qabteen dagaal ka dhacay Bariga Gobolka Mudug.

Maamulka Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa maxaabiistan oo ku xiran xabsi kuyaala Gaalkacyo waxa ay gaarsiiyeen dhar iyo waxyaabo kale oo loogu tala galay nadaafada,sida Saabuun iyo Oomo.

Duqa dagmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo deeqdan kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqdan dharka ah ay tahay mid ay ugu talagaleen maxaabiista, si loo ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin dadka lagu qabto dagaalada.

Qaar kamid ah Maxaabiista Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ku farxsan yihiin deeqdan maanta ka heleen Maamulka Galmuug, waxa kale ay sheegeen in si fiican loola dhaqmay intii ay ku xirnaayeen xabsiga Gaalkacyo.

Maamulka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay in ka badan 20-dagalayahan oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo ciidamada maamulka dagaal kula galay deegaano kuyaala Bariga Gobolka Mudugmaxa_4 maxa_3 maxa_2 maxa_6 maxa_5 maxa_1