Maxaa sabab u ah khilaafka Hay’adda waddooyinka (RDA).

0
7472

Maxaa sabab u ah khilaafka Hay’adda waddooyinka (RDA).

 

Waxa ay shacabku ku baraarugeen khilaaf soo kala dhex galay wasiirka jidadka iyo wadooyinka cabdillaahi abokor iyo maareeyaha haayada wadooyinka cismaan sheikh cabdi oo ka dhashay markii uu maareeyaha wadooyinku sheegay inuu xilka ka qaaday agaasimaha maamulka iyo lacagta ee hayadaas oo muddo dheer shaqadaas hayay, uuna ku bedelay cabdillaahi muxumed oo aan hayada wadooyinka shaqaalaheeda ka tirsanayn.

 

Dad badan ayaa fahmi waayay sababta keentay khilaafkan. Waxa jira mashruuc ah 4 milyan oo dollar oo ay hayadda GIZ ee jarmalka ahi ku bixinayso dhismaha wadada hargeysa iyo kalabaydh, waxaana mashruucan ku tashaday in la lunsado maareeyaha waddooyinka iyo cabdiqafaar maxamuud ciise oo uu madaxweynaha

 

Somaliland muuse biixi cabdi abti ruma u yahay islamarkaana ay saaxiibo dhow yihiin cabdillaahi muxumed oo uu maareeyaha wadooyinku u magacaabay maamulka iyo lacagta.

 

Waxa uu Isfahan dhex maray maareeye cismaan iyo cabdiqafaar oo uu madaxweyne muuse biixi cabdi u y ahay abti ruma, waana sababta keentay in maareeye cismaan lagu qanciyo inuu xilka ka qaado Agaasimihi xilka hayay oo uu magacaabo nin aan kaba tirsanayn hayadaas.

 

Waxa la soo helay cod muujinaya maareeyaha haayada wadooyinka oo xubin ka tirsanaa gudida furaysa qandaraaska mashruuca GIZ ugu hanjabaya inuu mariyo halka uu isagu rabo, waxaana ayaan daro ah in madaxweyne biixi ay magaciisa ku shaqaystaan inamo uu abti u yahay oo doonaya inay lacagtaas 4 milyan ee dollar ah afka u dhigtaan.

Cabdifataax I. Muuse

Hargeisa/Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here