Hargaysa(Halsan):-Wasiirkii hore ee Maaliyadda,MD Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaan shalay kasoo xaadirin madashii lagu soo dhawaynayay Wasiirka Maaliyadda oo ay saaxiibo dhaw ku ahaayeen Loolanka lagula jiro Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi,kaas oo xidhiidhkooda Rasmiga ah iyo wadashaqayn-tooduna ay ku salaysand.Waxa kale oo aan lagu arag Samaale Munaasibadd qedo-ahayd oo ka dhacday Hotel CROWN,Taas oo ay kasoo qeyb-galeen dad iskugu jiray Wasiiro,Wasiir Ku-xigeeno iyo Xildhibaano ku abtirsadda Xisbiga KULMIYE,Kuwaas oo dhamaantoodna ku jira Xubnaha Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo dhamaantood si weyn ula safnaa Cabdicasiis Samaale wakhtigii ay sida weyn Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iskugu hayeen Gudoomiye Muuse.
Ilaa hadda la ma hayo War cad oo ku saabsan sababta keentay inuu Samaale kasoo xaadiri waayo Kulamadda Saaxiibkiisa Siyaasadda,balse siday Shabakadda Wararka ee Oodweynenews u xaqiijyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxa jirta Xurfuf Siyaasadeed oo dhex-taalla Maxamed Biixi Iyo Samaale,taas oo ka dhalaya weedh uu Maxamed Biixi ku ganay Samaale kulan ka dhacay Hotel Maansoor oo uu Samaale u sameeyay Xubno Qurbejoog ah oo ka tirsan Beeshiisa,waxaana la sheegay dad badan oo munaasibadaas ka hadlay ay si weyn u amaaneen Samaale,taas oo keentay inuu Wasiir Biixi ka biyo diido,kuna tilmaamo inuu Samaale yahay Lacag-hayihiisa Siyaasadda,waxaana la sheegay inuu halkaas ka dhashay buuq iyo hadaladda oo ka tag-taagmay Samaale iyo Maxamed Biixi,iyadda oo aanay dhicin Kulan danbe oo ay dib-u-wada yeeshaan Labadda Musharax-doon.
Source : Oodweynenews