Maxaa Keenay In Uu Baaqdo Kulankii Madaxwayne Biixi Iyo Madax-dhaqameedka Reer Gabiley Ubalansanaayeen?

0
232

Maxaa Keenay In Uu Baaqdo Kulankii Madaxwayne Biixi Iyo Madax-dhaqameedka Reer Gabiley Ubalansanaayeen?

Madaxwayne Biixi Oo ka Muquurtay kulan uu la lahaa Iyo Madax-dhaqameedka Reer Gabiley Iyo Xogaha laga Helayo!

GABILEY(W,N)-Dhawaan Ayay Ahayd Markii Madaxwaynaha jsl muuse biixi ay kulamo kala duwan la qaateen Aqoonyahanka reer gabiley iyo madax-dhaqameedku, kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii uu reer gabiley doorkan ugu dhisi lahaa gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye oo uu hore ugu balan qaaday, iyagoo Kulamadaa iskula  qaatay in beesha jabriil abokor ukeento musharax ay isku raacsan yihiin.

Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka reer gabiley oo gudi Usaaray kala Saarista siyaasiyiinta beesha Ee Damucu kaga jiray Gudoomiye kuxigeenka kulmiye ayaa isku keenay musharixiintii doonayay in ay Utartamaan kuxigeenka kulmiye kuwaasi oo Aakhirkii ay tanaasuleen xubnihii damucu ku jiray, Islamarkaana layskula qaatay In  Siyaasi Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland noqdo musharaxa Ay Beeshu isku raacday, ee Utaagan gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye.

Sidoo kale Madaxdhaqameedka reer gabiley ayaa si ay Madaxwaynaha ugu soo war celiyaan ka dalbaday kulan kaasi oo loo balansanaa in ay kulmaan maalintii Axadii Shalay, balse kulan kaasi ayaa Ka baaqday, Dhinaca madaxwayne biixi, halka maanta oo Ay filayeen in uu qabsoomo kulankoogu uu Markale ka baaqday dhinaca madaxwayne biixi oo saaka safar Ugu ku tagay magaalada berbera, Iyadoo Dhinaca waxgaradka reer gabiley Aanay ka helin wax war iyo waxa iska badalay Balantoodii Toona,

Baaqashada kulankii madaxwayne biixi iyo waxgaradka reer gabiley ayaa waxaa ka dhashay hadalhayn badan iyo dareeno kala duwan oo bulshadu reer gabiley ka bixisay,, iyagoo siyaabo kala duwan fasiraado Uga Bixiyay, taasi oo dadka qaar ku micneeyeen in madaxwayne biixi ay jirto cidkale oo uu kursigan ugu carab laad laadiyay,islamarkaana uu doonayo In uu ka raad gato reer gabiley ilaa inta shirku dhacayo,

Halka dadka aqoonta dheer uleh madaxwane biixi iyo wajiyada siyaasadiisu ay ku tilmaameen baaqashada kulankii madax-dhaqameedka reer gabiley iyo safarka uu ku tagay Gobolka saaxil In ay tahay bahdil siyaasadeed oo uu kula kacay reer gabiley,

Halka Dadka sida dhow ula socda siyaasada madaxwaynuhuna ay ku ku sheegeen in ay keentay, isagoo marka hore Aan filaynin in beesha jibriil abokor si  deg deg ah ay  iskugu soo raaci karto, siyaasi ku matala doonista damaca gudoomiye kuxigeenka, taasi oo waxka badashay filshadiisii hore Muuse Biixi sobobna looga dhigay in uu Ka muquurto kulankoogii, maadama ay usoo jeedinayeen in musharaxa reer gabiley aan gorgortan la galin kursigiisa,

Dhanka kale xogaha laga helayo ujeedada uu u baaqday kulankii waxgaradka iyo madaxwaynaha ayaa tilmaamay in ay sobob utahay in wax iska badaleen balanqaadkii madaxwaynaha ee reer gabiley uu lagalay taasi oo keentay in uu ka waji dadbo,

Reer gabiley oo kamid ah rukunada xisbiga kulmiye ee horseeday in uu talada dalka ku guulaysto laba jeer, tacab badana soo gashaday xisbiga kulmiye, islamarkaana xiligan ku midoobay damaca siyaasadeed ee beesha, ayaa iyagu isha ku haya sida uu madaxwayne biixi ufuliyo balantii uu galay ee gudoomiye kuxigeenka kulmiye, taasi oo lagu sargoyn doono mawqifka danbe ee reer gabiley, hadba ta uu kula dhaqmo madaxwayne biixi, in iyagu ay kula xisaabtami doonaan.waxaana lagu wadaa in ay go,aamo deg deg ah ka qaataan madaxwayne biixi iyo xisbigiisa,

Iyadoo hore ay ujiray hadalo badan oo dad waayeel ah laga guntay in muuse biixi reer gabiley ku cabiray oo qaarkood siwayna uga dhex guuxaya maskaxda dad badan oo reer gabiley ah,

“Lalama Tashado Ee Waa Loo Taliyaa”

“Isku Jeenibaad Barateen Hadaan, Jilib jilib ka dhigi waayo”

“Ma xashkii Ayay ku Dagaalamayaan Iyo Qaar kale oo Badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here