Maxaa kala haysta Jamaal iyo Faizal iyo xunbaha ucid by Abdi Mustafe

0
695
  1. Marka uugu horeysa horta jamaal waa in uu ku qancaa in xisbigii Ucid uu dhintay oo aan dibna loo soo noolayn karayn.Marka xiga Jamaal ha ogaado xataa haday maxkamadi u xukunto inuu musharax madaxwayne Ucid ka noqdo in aan inta Faizal joogo aan Ucid cidi cod siinayn. Sidaa darteed Jamaal uuma baahna waqti iyo dhaqaale danbe oo kaga baxa xisbi aan jirin. Waxa u eeg Jamaal in uu taageera yaashiisa la baxo sida Abdirasheed dabeedna dadku ay yidhaahdaan haduun bay Ucid sii goa’day. Waa xaqiiq in Jamal iyo A/rasheed waqti iyo dhaqaaleba kaga baxay UCID ee A/rasheed wuu iminka ayuu gartay in UCID tahay degal cas ee hadaba Jamaal baa la sugayaa inruu fahmayo in Ucid tahay ka guuraa.
  2. Taageera yaasha UCID ee ay uugu horeeyaan Cali Gurray, Roda Axmed Yassin iyo xildhibaan Qabile waxay UCID u sii fadhiyaan ma muuqato ee waxa la filayaa in iyaguna dhawaan ay dhan uun uuga dhaqaaqaan. Yaan waqti danbe UCID oo Faizal ka dhigtay macdaar aannui idinkaga Lumin.
  3. Faizal waxa dhawaan la sheegay in uu qaato dawooyin xanuunka depression ka ah. Waa xanuun qofku uu isku dumo oo ka kaca xaasid nimada iyo niyad xumida. Xanuun kaasi wuxuu ka qaaday garabkii A/rahman Ciro hogaaminayay ee Ucid ka baxay. Xanuun kaasi markuu maqlo Waddani ba xaflad qabsaday ama cidi ku biirtay ayuu Faizal ku sii kordhaa. Hadaba Faizal cid baannu dhegeysanayn ee waxa u fiican in uu siyaasada ka baxo oo uu nasto meel A/rahman Ciro joogana ka dheeraado ileyn xanuunka ayaa ku sii badanaya hadii kale e. Xaqiiq weeye in Faizal bukaan wayn ka qaaday horuu marka A/rahman Ciro sidaa darteed ayuu Faizal xisbigii UCID kolba cid uuga baayacayaa. Alla ha shaafiyo Faizal Cali Waraabe waa bestii ye.

Abmustafe123@gmail.com