Maxaa ka jira in Al-shabaab 57 dagaalyahan looga dilay degaan ka tirsan Jubada hoose?

0
725
Maxaa ka jira in Al-shabaab 57 dagaalyahan looga dilay degaan ka tirsan Jubada hoose?

 

Ciidamada Kenya ayaa sheegeen in Al-shabaab ay 57 dagaalyahan kaga dileen weerar ay ku qaadeen saldhig kooxda ay ku leheed nawaaxiga Afmadow.

War ay soo saareen Ciidamada Kenya ayay ku sheegeen inay weerarka u adeegsadeen madaafiic iyo diyaarado, kaasoo lagu qaaday meel loogu magacdaray Subow.

Goobtaasi la weeraray ayaa qiyaastii 31km dhanka Woqooyi-Galbeed kaga beegan degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose, iyadoo ciidamada Kenya ayaa sheegayaan inay hub iyo gawaari badan ku baabi’iyeen weerarka.

War saxaafadeedka ka soo baxay ciidamada Kenya aya sidoo kale lagu xusay in ciidanka difaaca wadankaas ee KDF ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab”.

Barta Twitter-ka ee AMISOM ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay weerarkaasi la sheegay in 57 looga dilay Al-Shabaab dagaalyahanno badanna looga dhaawacay.

“Ugu yaraan 57 argagixiso ah, gawaaridooda iyo qalabkooda ayaa la baabi’iyay, waxaanna la soo qabtay hub badan”, ayaa lagu qoray Twitter-ka AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay in ayagoo kaashanaya ciidamada Soomaaliya ay dalka ka sifeyn doonaan Al-Shabaab, waxaana jira warar sheegaya in ciidamo maraykan ah ay ka qeyb qaateen weerarkan.

Lama hayo wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay ku beeninayaan ama ku xaqiijinayaan weerarkan cidamada Kenya ay sheegteen.