MAXAA DHICI KARA HADDII SOMALILAND LA AQOONSADO?
Aragtidayda ku wajahan jawaab u helista su’aasha kor ku xusani, waxa ay tahay in laba mid uun ay dhacayso :
In Somaliland markay hesho aqoonsigii ay waayaha badan goobaysay ay guntiga u giijisato sidii ay u noqon lahayd bogcad isu-keenta , ururisa , afkaar ahaan, dhaqaale ahaan , isu-socod ahaan iyo Amni ahaanba Saddexda Dawladood ee Mandaqada Soomaalidu ku leedahay ee kala noqon doona :JABUUTI , SOOMAALIYA iyo SOMALILAND lafteeda.
Si ay u hirgaliso qodobadaa kor ku xusan waxa ay hor-kici doontaa in Jabuuti laysugu yimaado iyadoo lagu heshiinayo in aan Saddexda Shacab Visa isugu safrin , taa beddelkeeda laysugu safri karo (Identity card-ka ) dal walba leeyahay Sida wadamada af-turkiga kuwada hadla ee isku isirka ah. In Haayadaha amni , milatari iyo boolis laga sameeyo gudi wada-shaqayneed , taasoo mustaqbalka Soomaalida ku hagi karta in ay yeeshaan ciidan midaysan oo ah Sida ka Wadamada Galbeedka Afrika , ilaaliyana masaalixda Soomaalida guud ahaanteed.
Waxa taa cagsigeeda dhici karta , in Somaliland ay is colaystaan Soomaaliya kuna kala biiraan amma la kala saftaan Xulufooyinka dunida ka jira ee ku loolamaya gobolka . taasoo dhali doonta inay noqdaan Soomaalidu kuwo Sida Hindiya iyo Pakistan ,ama Kuuriyada Waqooyi iyo ta koonfureed mar walba lidi isku ah oo midna bari raaco midna galbeed dabadeedna laysku garaaco. Haday tani dhacdo Ummadda soomaaliyeed xaalkeedu wuxu noqon doonaa “Kud ka guur oo qanjo u guur , tanina saw maaha ” Cabdi Iidaan Faarax.
Hadaba , somaliland guusheeda dibada iyo guduhu waxa ay ku xidhanyihiin sida ay uga faa’idayso dadkeeda ay ku jirto aragtida horumarineed ee gudaha iyo dibadaba dhisaysa . waxa Somaliland looga baahanyey inay reform aad u balaadhan ku samayso nidaamkeeda dawladnimo ee gudaha sida dawladaha hoose oo ah meel magac ahaan uun u jirta balse shaqo ahaan meesha ka maqan , waana hay’adii qaabilsanayd hagaajinta nolosha aas-aasiga ah Sida biyaha , waxbarashada , laydhka , caafimaadka iyo wadooyinka , taasoo si xoogan uga qayb-qaadan karta in bulshadu ku ilaaliyaan qaranimadooda rabitaan iyo doonis iyaga ka timaada.
Inay laanteeda amniga gudaha wax laga bedelo, iyadoo meesha laga saraayo nidaamka maafiyada yar-yar ee dhalinyaradeedu ku kacdo habeenkii, taasoo Sababta in aan qofna dhex mari karin magaalooyinka qaar , Sawir fool xunna ka bixinaysa dawladnimada somaliland , hadii taasi Gudaha Somaliland ka hirgasho, wax weyn ayey u taraysaa Dawladnimadeeda waxa aanay Somaliland u horseedi doontaa inay hesho wadiiqo ay ku iibiso siyaasadeeda arimaha dibada , ahaatana mid warkeeda loo dhegaysto si kasmo leh, waana wadiiqooyinka Quwadaha ku riixi kara inay u arkaan Somaliland xidig baahi loo qabo in la aqoonsado.
Somaliland waxa haysta dhibaatooyin badan oo aan aaminsanahay in aqoonsi la’aantu sabab u tahay balse Dadku u arkaan in aanay u ahayn , waxaana ka mid ah dhibaatooyinka kala qaybsanaanta bulsho ee meelo ka mid ah gudaheeda ka jirta. Waxa aan odhankaraa haddii Somaliland la yidhaa waa la aqoonsaday , wuxuu qof walba niyada ku hayaa siday Aqoonsi la’aan dawladnimadeeda ugu wada-fidisay dhul-xuduudeedka ay sheegato badankiisa , iyada oo u heshay Awood , dhaqaale iyo ina ay tahay ‘Sovereignty State ‘ si dhamaystiran ayey ula wareegi kartaa inta dhiman . Tabashada Bulsho ee jirtaa waxa ay u badantahay in ay si nature ah isu xaliso sidii wakhtigii Ingiriiska.
Wakhtigii gumaystaha gobolada bariga Dadka ku nool qaybo ka mid ahi , si adag ayey uga soo horjeedeen gumaystaha iyagoo ku saxsanaa balse taasi waxa ay dhashay kala fogaan Soomaalida dhexdeeda ah , waxa se fursad noqotay markii xorriyadii soo urtay in loo midoobay doonashadeeda iyo u-ariminteeda Ragga sida weyn uga dhex-muuqday waxa ka mid ahaa Garaadkii Guud ee Reer laascaanood iyo Suldaankii Reer badhan.
W/Q: Shaam Suldan (Conqueror )