Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Cusbitaalka Ku Booqday Sheekh Aadan Siiro

0
632

Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Cusbitaalka Ku Booqday Sheekh Aadan Siiro

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Murashaxa Jagada Madaxweyne Ee Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Khadar Xuseen ayaa caawa fiidkii Cusbitaalka Gargaar Ee Magaaladda Hargeysa ku booqday Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo xanuun u jiifa.

Sheekh Aadan oo ka mid ah Culimada Magaaladda Hargeysa ayaa maanta cusbitaalka Loo keenay xaalad caafimaad darro oo la soo deristay, waxaana hadda uu ku jiraa ka soo kabasho.

Waxa ay masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa waxa ay ilaahay uga baryeen in uu caafimaad sareecan ah ka siiyo xanuunka asiibay.

Dhinaca kale Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ayaa hogaanka Xisbiga Waddani waxa uu uga mahad celiyay Booqashada ay ugu yimaadeen.