Masuuliyiinta Ururka ONLF Oo Magaalada Jigjiga Kaga Dhawaaqay Goaan Cusub oo ay gaadheen

0
784
Masuuliyiinta Ururka ONLF Oo Magaalada Jigjiga Kaga Dhawaaqay Goaan Cusub oo ay gaadheen

 

Jigjiga(Halsan):-Ururkii jabhadnimada ka laabtay ee ONlF ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka mid noqonayo xisbiyada siyaasada ee ku tartamaya doorashada dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Xoghayaha arimaha dibada ee ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi(Maadey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay si buuxda u go’aansadeen inay ka qayb galaan doorashooyinka deegaanka soomaalida, isaga oo xusay inay isbahaysi iyo iskaashiba wadaagi doonaan xisbiyo kale oo ay isku aragti yihiin.

Xoghaye Maadey ayaa sheegay in go’aankan ay qaateen uu sahlayo inay si mug leh uga dhex muuqdaan siyaasada dalka Itoobiya “ururka ONLF hore ayuu xisbi u noqday oo uu uga qayb galay doorashooyin,

 

waxaanu sanadkii 1991-kii uu noqday xisbi rasmi ah, iyada oo qayb ka ahaa maamulkii ugu hoeeyey ee deegaanka soomaalida Itoobiya loo dhiso, hadana soo noqoshadayada waxaanu shaaca kaga qaadaynaa inaanu si buuxda oo nabad galyo ah uga qayb galayno siyaasada Itoobiya.”

Ururka ONLF ayaa hore heshiis ula galay dawlada federaalka ah ee Itoobiya, heshiiskaas oo qodob ka mid ahi dhigayey inay gudaha dalka kaga ololayn karaan fikirka siyaasiga ah ee ay qabaan si nabad galyo ah, qodobkaas oo haatan u saamaxaya go’aanka ay qaateen ee ay doonayaan inay kaga muuqdaan siyaasada dalka Itoobiya.