Hargaysa:(Halsan)-Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ayaa Waxaa Ay Maanta Magaalada Hargeysa Ku Soo Dhaweyeen Xidhiidhiyaha Xisbiga Wadani Ee Laanta Brigham Ee Dalka Uk Mudane Khadar Guray .
Waxaana Soo Dhaweysay Xidhiidhiyaha Masuulyiin Uu Hor Kacaayey Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbigaasi Axmed Muumin Iyo Sarakiil Sare Sare Oo Ka Tirsan Xisbigaas .
Masuulkan Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Duleedka Magaalada Hargeysa Ayaa Ka Yimid Dalka Ethopia Oo Uu Ka Soo Degay Isla Markaana Safar Dhinca Dhulka Ah Ku Yimid Magaalada Hargeysa
Ugu Horeyn Waxaa Madashaasi Ka Hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xibiga Wadani Axmed Muumin Seed Waxaana Uu Xidhiidhyaha Xisbiga Wadani Ee Laanta Brigham Ku Soo Dhaweeyey Magaalada Hargeysa Waxaana Uu Yidhi “Waxaanu Maanta Halkan Si Diiran Ugu Soo Dhaweyneynaa Xidhiidhyaha Xisbiga Wadani Ee Laanta Brigham Khadar Guray Oo Ah Runtii Nin Si Balaadhan Iigu Soo Dhaweeyey Aniga Markii Aan London Tagay Aad Iyo Aad Baanu Ugu Mahad Celineynaa Waxaana Aanu Leenahay Ku Soo Dhawoow Xisbiga Wadani Iyo Dalkiiba Qalbi Furna Waanu Kugu Soo Dhaweynaynaa “ Ayuu Yidhi Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed .
Ugu Danbeyntii Waxaa Madasha Hadlo Mahadnaq U Badan Ka Yidhi KHadar Guray Xidhiidhiyaha XIsbiga Wadani Ee Laanta Brigham Waxaana Uu Yidhi “Dhamaanba Dadka Halkan Maanta Igu Soo Dhaweeyey Aad Iyo Aad Baad U Mahadsan Tahiin Anigu Waxaan Ka Imid Dalka UK Wadankaasna Xisbigu Aad Iyo Aad Buu Uga Dhisan Yahay Waana Wadanka Afraad Ee Xisbigu Ugu Awooda Badan Yahay Aad Iyo Aadna Waad U Mahadsan Tahiin Waana Aynu Is Wareysan Doona” Ayuu Yidhi Khadar Guray Xidhiidhiyaha Xisbiga Wadani Ee Laanta Brigham