Masuuliyada Weerarkii dadka badan lagu laayay ee ka dhacay Magaalada Istanbuul oo la sheegtay

0
721
Masuuliyada Weerarkii dadka badan lagu laayay ee ka dhacay Magaalada Istanbuul oo la sheegtay

 

Kooxda Daacish ayaa sheegatay in masuul ka aheed weerarkii habeen hore ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana weerarkan lagu laayay dad badan oo isugu jira ajaaniib iyo dad Turki ah.

Wakaalada Wararka Reuters ayaa ku warantay in Kooxda Daacish ay dusha u ridatay masuuliyada weerarka ka dhacay goob lagu caweeyo oo kutaala magalaada istanbuul, waxaana weerarkaasi uu dhacay xili loo dabaal degayay curashada sanadka cusub.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay 39-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 40-qof, dadka lagu laayay weerarkaasi ayaa qaar badan oo kamid ah waxa ay yihiin ajaaniib u dhalatay wadamo kala duwan.

Nin la tuhamyo in uu weerrarkan ka dambeeyay aya alasoo sheegaya ain uu baxsady ,Wrabaahinta Turkiga ayana ku waramaya in ninkan Weerarka geestay oo Ajnabai ah uu dharka iska badaly kadibna uu ka baxsaday halkii uu dadka ku laayya.

Ciidamada amaanka Dowlada Turkiga ayaa wada howlgalo balaaran ay ku baadi goobayaan ninka weerarka ka dambeeyay, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka xarumaha waa weyn ee magaalada Istanbuul.