Masuul sare oo ka tirsanaa Al-Shabab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xasan Sheekh ee ku sugan Baardhere.

0
625

Masuul sare oo  ka tirsanaa Al-Shabab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xasan Sheekh ee ku sugan Baardhere.

Baardhere( Halsan) :- Wararka aanu ka helayno  Degmada Baardheere ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmadaasi in dagaalyahano ka tirsan  Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee Degmadaasi ku sugan.

 

Mid ka mid saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Jaamac Muuse ayaa sheegay in 3-ka mid ah Al-Shabaab oo uu ku jiro Amiir ka tirsan Al-Shabaab uu isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka ee jooga Degmada Baardheere.

 

“Waxaa la soo dhweeyay maleeshiyaadka ka tirsan Shabaab ee isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka ee Baardheere ku sugan” ayuu yiri Sarkaalka u hadlay Ciidanka Jooga Degmada Baardheere.

 

 

Dhanka kale  Jaamac Muuse ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee ku sugan Gedo ay Qorsheynayaan inay la wareegayaan saacadaha soo socda deeganada Shabaab ay Gobolkaasi weli kaga harsan yihiin.