Marxuum Fu'aad Aadan Cadde Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa

0
681

Hargeysa(Halsan) :-Alle ha u naxariistii Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, ayaa maanta Aas qaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa.marxuumka oo ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka Turkiga ayaa maydkiisa laga soo dejiyay Madaarka Cigaal, waxaana lagu soo qaaday gaadhi Ciidan, iyadoo ciidamo kuwa qaranka ahina salaan siiyeen Maydkiisa oo calanka Somaliland lagu deday.

Ka dibna waxa Marxuumka lagu tukaday salaada jinaasada oo ay ka soo qaybgaleen dad aad u tiro badan oo isaga yimi guud ahaan gobolada dalka oo uu hogaaminaayey madaxweynaha qaranka Somaliland, kana mid ahaayeen madaxdhaqameedka Somaliland, waxgaradka, aqoonyahanka, xukuumad, hogaanka Asxaabta qaranka iyo golayaasha qaranka

Dadweynaha tirada badan ee iskaga yimid gobolada dalka. Ayaa si aada uga murugaysnaa geerida Siyaasiga ruug caddaaga ahaa ee Fu’aad Aadan Cadde.
Madasha waxaa sidoo kale ku sugnaa Ubadka Marxuum Fu’aad iyo eheladiisa, waxaana loo aasay si aan loo kala hadhin.
Madaxweynaha Somaliland ayaa marxuumka ku sifeeyay shakhsi wanaagsan oo qaranka Somaliland ka baxay. Waxaana dadkii geerida marxuumka ka hadlay sheegeen inuu ahaa qof waddaniyadda iyo Somalilandnimadu ku dheer tahay.

Fu’aad Aadan Cadde oo ahaa la taliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha bariga, xukumaddii Rayaale-na ka soo qabtay xil wasiirnimo, ayaa kaalin buuxda ka qaatay nabadaynta Somaliland iyo degenaanshaha gobolada bariga ee uu ka soo jeeday, waxaana lagu sifeeyay shakhsi ku dhac leh oo hadal cad.