Marwada Madaxwaynaha Oo Balan Qaad Aan Meel Gaadhsiisnayn U Qaaday Maamulka Iyo Ardayda Dugsiga Dhagoolayaasha Burco Wakhti Ay Socdaal Ku Timi Magaalada Iyo Baaq Ay Mar Labaad Direen Maamulka Dugsigaasi

0
650

Hargeysa(Halsan): -Marwada madaxwaynaha Somaliland marwo Amina Waris ayaa balan qaad aanay meel marin hirgalintissa u qaaaday ardayda iyo maamulka dusgiga dhagoolayaasha magaalada burco wakhti hore oo ay socdaal ku timi magaalada burco.

Marmada aya mar ay socdaal ku tagtay magaalada burco gaar ahana dugsiga dhagoolayaasha ayaa waxay u balan qaaday inay ku deeqi doonto mamulka dugsiga 30,000$ “Sodon Kun Oo Dollar” isla markaan wax loogu qaban doono farsamada gacanta ee dugsiga, balse waxa uu noqday balan qaad aan meel gaadhsiisnayn oo aan hirgalin noqdayna mid hal bacaad lagu lisay ah.

maamulka gobolka togdheer iyo ka degmada burco ayaa saaka mar ay kormeer ku tageen dugsiga waxay maamulka dusgigu masuuliyiintan  ka codsadeen inay marwada ka gaadhsiiyan fariin ku saabsan balan-qaadkii ay u balan qaaday ee ahaaa inay ku dusgigan ku tari doono 30,000$ oo aanay wali wax jawaaba ka helin.

SIdoo kalena waxay maamulka dugsigu maamulka gobolka ka codsadeen inay ku deeqaan gaadhi bas ah oo lagu soo qado ardayda, iyaga oona ka dhawaajiyay in dugsiga dhami leeyahay hal bas.

Maamulaha dusgiga dhagoolayasha oo arimahaasi ka hadlaya yaa waxay uu yidhi.

“dusgigan dhagoolayaashu waa dugsiga kaliya ee  ku yala gobolada bariga oodhan, waxaanuu leeyahay gudi waxbarasho, gudoomiye waxaan kaa codsanaynaa inaad fariin naga gaadhsiiso madaxtooyada, waayo adiga ayaa gobolka wakiil uga ah waxaanu kaa codsanaynaa inaad marwada naga gadhsiiso fariin, waxay noo balan qaday inay dusgiga ku tari doonto 30,000$ oo farsamada gacanta ah, anagu farintan ma qaadi karayno, lkn adiga ayaa naga wakiila waxaanan doonaynaan inaad adigu farintan naga gaadhsiiso”Sidaas ayuu yidhi maamulka dugsiga dhagoolayaasha burco

Wali isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa maamulaha dugsigu intaa raaciyay

“bas kaliy ayaanu leenahay baskaasina haduu uu maanta jabo meel aan ciirsano heli mayno waxaan doonaynaa in sida ugu dhakhsaha badanle waxlooga qabto, waxaan doonayna in farsamadii gacanta loo sameeyo”.

Si kasteba ha ahatee balan qaadkan ay marwada madaxwaynaha Somaliland u balan qaaday maamulka dugsiga ee ah inay qadar lacaga oo dhan 30,00$ ku deeqi doonto dugsigan si loogu hirgaliyo farsamada gacanta ayaa waxa uu u muuqday mid noqday balan qaad aan hirgalin oo afka ka dheh uun ahaa.