Markab Dagaal oo ku dhacay Markab Shidaal waday iyo Khasaaro ka dhashay + Sawirada

0
660

Markab dagaal oo leedahay dowlada Mareykanka ayaa ku dhacay Markab shidaal waday oo marayay xeebta dalka Singapore, waxaana shilkan labada Markab lasoo warinayaa in uu khasaaro ka dhashay.

Ciidamada Badda dalka Mareykanka ayaa sheegay in Markabka dagaalka xilliga uu shilka dhacayay marayay bariga xeebta Singapore, labada Markab ayaana si lama filaan ah isugu dhacay.

Ina la xaqiijiyay shan Bad maax oo kamid ahaa dadkii saarnaa Maraakiibta shilka galay ayaa dhaawacyo soo gaaren, waxaa sidoo kale la layahay oo baadi goob loogu jiraa 10 Bad maax oo kale.

Markabka dagaalka dowlada Mareykanka ayaa lasoo warinayaa in uu khasaaro shilkan kasoo gaaray uuna dhinac ka bur buray, Saraakiil katirsan ciidanka Badda ayaa sheegay Marakabka USS John McCain uusan damin uuna hada kusii jeedo dekedda Singapore.

Diyaarado Nuuca Qumaatiga u kaca iyo doonyo dheereeya ayaa gaaray halka uu shilku ka dhacay, waxa ayna baadi goob ugu jiraan Bad maaxiinta la la’yahay nolol iyo Geeri ee saarnaa Maraakiibta isku dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here