Mareykanka Oo Waddamada Carabta Ku Cadaadinaya In Ay Codsadaan Xabbad-Joojin Ka Dhaqangasha Gaza.

0
135

Mareykanka Oo Waddamada Carabta Ku Cadaadinaya In Ay Codsadaan Xabbad-Joojin Ka Dhaqangasha Gaza.

Dowladda Mareykanka ayaa waddamada Carabta ku cadaadineysa in ay dalbadaan codsi ku saabsan xabbad-joojin ka dhaqangasha Bariga Dhexe gaar ahaan Magaalada Gaza si nafis ay u hesho Israaiil oo khasaarihii ugu badnaa kasoo gaaray dagaal ay gasho sanadahaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dulmeereysanaya Dalalka Carabta gaar ahaan waddamadii horay heshiiska la galay Israaiil maadaama Washington hubkii ugu cuslaa ay gacanta u gelisay Yuhuudda balse ay ka gudbi la’ dahay deegaannada qaar.

Sidoo kale Mareykanka ayaa raba in la raad-duugo weerarkii Dadka rayidka ee gaaraya 500 oo ruux ay ku dhinteen ee Israaiil ku qaadday Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Magaalada Gaza ku yaalla 17kii Oktoobar 2023 iyo duqeyn kale oo ay ku beegsatay xeryo barakac & xarumo Waxbarasho.

Teleefishinka Aljazeera ayaa dhowaan daabacday in Mareykanka iyo Israaiil ay isku qabteen go’aankii Tel Aviv ay ka diiday Washington oo ahaa in aanay marnaba isku dayin weerar dhulka ah oo ay ku galaan Gaza balse markii ay isku dayeen arrintaas khasaaraha ku kordhay.

Diblumaasiyiin ku dhow socdaalka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Dalalka Carabta ayaa sheegay in Washington ay qorsheysay sidii ay u raadin lahayn marin kale oo lagu rogayo colaadda khasaaraha badan dhalisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here