Horaantii Todobaadkan DOwlada Mareykanka ayaa waxaa ay xayiraadii ka qaadey shirkadda duulimaadyadda ee Etihad Airways oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Maamulka Mareykanka ee uu Majaraha u hayo Madaxweyne Trump ayaa waxaa uu bishii March ee horaantii sanadkan xayiraad dhanka qalabka Electronic-ga ah saarey rakaabka soo raaca diyaaradaasi gaar ahaan iyo guud ahaan duulimaadyada ka yimada garoomo dhowr ah oo Bariga dhaxe ku yaala. Xiyaaraadan oo si guud u fuuleysey duulimaadyada ka yimaada 10 garoon oo ku yaala Bariga dhaxe balse waxaa uu si gaar ah u taabanayey shirkada Etihad madama iyadu ay tahay dulimadka ugu badan ee Bariga dhaxe ka baxa ee Mareykanka taga. Etihad Airways oo Imaarada Abu Dhabi ee Dalkaasi Isutaga Imaaraadka Carabta laga leeyahay ayaa todobaadkii waxaa ay Mareykanka u sameysaa 45 dulimaad oo dhamaantood ka baxa Abu Dhabi. Masuul ka tirsan Wasaarada Amniga gudaha ee Mareykanka ayaa shaaciyey in ay amaanayaan shirkada Etihad oo ay sheegeen in ay xayiraadaasi ka qaadeen. Si kastaba Shirkadan Etihad ayaa ka qaadista xayiraadan waxaa uu mareykanka ku sababeyey in ay tahay in ay sameeyeen hab cusub oo lagu ilaalinayo amaanka. |