Mareykanka oo Ruushka u heshiiyey, iyo madaxweyne Trump oo uu waagu ku baryey!!!
|
Horjoogayaasha labadda xisbi ee Mareykanka xubnaha ay aqalka sare ku leeyihiin ayaa waxaa ay wadda gaareen heshiis lidi ku ah Ruushka oo saaxib dhow la ah Madaxweyne Trump-ka Mareykanka. Labada Xisbi Xubnahooda Aqalka Congress-ka ayaa ku heshiiyey in cunaqabateyn la saaro Ruushka, iyagoo sidoo kalena dhimey ama yareeyey awooda Madaxweyne Trump uu cunaqabateyntaasi uga qaadi karayo dalkaasi. Taladaada inagu soo aadan ayaa la sheegayaa in ay labada aqal ee Baarlamanka Mareykanku ay cod galiyaan cunaqabateentaasi,iyadoona loo badinayo in la raaci doono go’aankaasi ka soo baxay Congress-ka. Dhawaan ayey aheyd markii uu madaxweyne Trump Aqalka Congress-ka uu u gudbiyey codsi ku aadan in dalka Ruusha ay la yeeshaan xiriir Diplomaasiyadeed oo xor ah, taa oo noqtey mid ay ka biyo diidaan, iyagoona soo saarey go’aan ay arintaasi ku jooginayaan. Waxaa sidoo kale la filayaa in Sharciga cusub uu cunaqabateyn dheeraad ah saaro dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan. |