Mareykanka oo qiray in Dad rayid ah waxyeello ku gaartay duqeyn ka dhacday Gobolka Galgaduud

0
151

Mareykanka oo qiray in Dad rayid ah waxyeello ku gaartay duqeyn ka dhacday Gobolka Galgaduud

 

War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM ayaa lagu faah-faahiyay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha duulliye la’aanta Drones-ka oo 6dii September 2023 ka dhacday Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Warsaxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu beegsaday xubno katirsan ‘AS’ oo saddex kamid ah lagu dilay balse baaris hordhac ah oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ay Dad rayid ah oo goobta ka dhawaa waxyeello gaartay.

Mareykanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalka loo fuliyay uu ahaa in laga hortago weerarrada ‘AS’ ee daafaha tuulada Ceel-lahelay Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug sida hadalka loo dhigay.

Taliska AFRICOM ayaa meesha ka saaray jiritaanka in ay laayeen dad rayid ah wararkaasina ay yihiin kuwo ay faafiyeen ‘AS’ sida lagu yiri warka kasoo baxay Taliska Mareykanka sida gaarka ah ugu qaabilsan howlgallada Qaaraddaan.

Qirashadaan Mareykanka ee ah in dad Rayid ah waxyeello kasoo gaartay duqeynta ay geysteen ayaa diiwaanka u galeysa kiisas sidaan oo kale uu Taliska AFRICOM u shaaciyay in Shacab dhibaato kasoo gaartay.