Hargeysa(Halsan): -Maareeyaha wadooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan ayaa ka hadlay warar sheegaya In roobabkii ka da’y gobolada Gabiley iyo Awdal ay waxyeelo burbur ah u gaysteen wadada way nee isku xidha hargeysa, gabiley iyo borama.
Waxaana uu shegay inaan wadadaas wax burbur ahi soo gaadhn isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn,isaga oo dhanka kalena alle ka baryay inuu noo laban laabo raxmaadkiisa waxaana uu yidhi.
“Horta nimco waliba nusqaan leh laakiin alle ayaa mahad iska leh wax kaste oo wanaagsana inaad alle ugu mahadnaqdaa waa waajib, wadada way nee isku xidha magaalooyinkaa gaar ahaa wadada kalabaydh oo ah wado cusub oo dhawaan la sameeyey, roobabku meelaha ay ka da’een waa meesha ugu badan wax khasaare ah oo ay wadadaaa biyahaa roobku gaadhsiiyeena ma jirto, marka hore Ayaan qaabka aan u dhisnay ka tashanay dhinaca kale waxay noo tahay tijaabo, markaa guud ahaan wadadaa wayn wax khasaare ah oo soo gaadhay ma jiraan”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay.