Maraykanka oo lixdameeyo gantaal ku weeraray fariisimo ay leeyihiin ciidamada dowlada Siiriya

0
673

Maraykanka ayaa sheegay in uu weerar loo adeegsaday gantaalaha culus loo yaqaanno ku qaaday bartilmaameedyo ay leedahay xukuumadda Suuriya, iyadoo amar weerarkan lagu fuliyey uu bixiyey madaxweyne Trump.

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in 59 gantaal oo ah nooca Toma-hawk laga soo riday markab ciidanka badda ee Maraykanku leeyihiin oo fadhiya badda Mediterranean-ka.

Weerarkan ayuu Maraykanku sheegay inuu jawaab u yahay weerar kiimiko arxan darri ah oo lagu qaaday dad rayid ah dhawaantan, kaasoo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay madaxweynaha Siiriya Bashar al-Assad. Ku dhowaad boqol ruux ayaana ku dhintay weerarkaas.

Goobaha duqeynta Maraykanka lagu garaacay waxaa ka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Homs, halkaasoo Maraykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay duqeynta Maraykanka balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saldhigyada ciidamada Siiriya ee la duqeeyey ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ruushka arintaasoo haddii ay dhab noqoto xaalada sii hurin karta.

Ruushka oo ah saaxib la ah dowlada Suuriya ayaa dhowaan digniin ku bixiyey ficil kasta oo milateriga Maraykanku ka sameeyo Suuriya inuu yeelanayo cawaaqib xun.

Saraakiil Maraykan ah ayaa horey u sheegay inay qorshaynayaan talaabo milateri oo jawaab u ah weerarkii sunta kiimikada ah ee xukuumadda Suuriya ay u adeegsatay magaalo ay gacanta ku hayaan mucaaradka hubeysan ee ka horjeeda.