Maraykanka oo Gujis dagaal geeyay gacanka Kuuriya xili Xiisad xoogan ay jirto+ Sawirada

0
678

Dowlada Mareykanka ayaa Gujis dagaal waxa ay geesay Biyaha Kuuriyada Koonfureed , waxa ayna arintan sii xoojisay xiisada ka taagan gacanka Kuuriya gaar ahaan xiisada u dhaxeysa Dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka oo wada jira.

Gujiskan la geeyay Biyaha gacanka Kuuriya ayaa lagu magacaabaa USS Michigan, waxa uu awoodaa Gujiskan in uu xumbaaro gantaalada wa aweyn , waxa uuna qeyb ka yahay Maraakiib dagaal oo dowlada Mareykanka geesay Biyaha Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Waqooyi oo dhankeeda maanta u dabaal degeysa sannad-guuradii 85-aad ee markii la asaasay ciidankeeda, ayaa ku mashquulsan sameynta dhuulo tusyo ciidan iyo sidoo kale riditaanka gantaalo iyo hub kale.

Xiisada ka taagan gacanka Kuuriyada ayaa sii kordheysa marbo marka ka dambeysa, waxaana hadalo kulul hadawad isku mariyay Dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka, waxaana laga cabsi qabaa in xiisada ay sii xoogeesato.

Kuuriyada Waqooyi ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku mashquulsaneed tijaabinta gantaalo nuuca ridada sare ah oo sidoo kale xambaari kara hubka nukliyeerka, waxa ayna arintan xiisad xoogan ka abuurtay gacanka Kuuriya.