Maraykanka Iyo Kuuriyada Koonfureed Oo Dhoola Tus Milatari Wada Samaynaya
Dhoolatus milatari oo wayn oo ay ka qaybqaadanayaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa la qaban doonaa 1 bisha Abriil, sida ay ku dhawaaqeen labada dal.
Dhoolatusyada ayaa ka mid ah muranada waawayn ee ka taagan gacanka, iyada oo Kuuriyada Waqooyi ay u aragto in ay yihiin diyaargaraw lagu qabsan rabo.
Waxay ahayd in la billaabo bishan Maarso laakiin dib ayaa loodhigay ka dib markii xiriirka dublamaasi uu soo hagaagay ciyaaraha xilliga qaboobaha awgood.
Dhoolatuska milatari waxaa ka qaybqaadan doona in kabadan 300,000 oo ruux iyo qalab milatari oo badan.
Arrintan ayaa timid iyadoo ay socdaan dadaallo dublamaasiyadeed oo aan la sii saadaalinin kuwaas oo lagu yaraynayo xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya
Bishan horraanteediina madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si aan la filaynin u aqbalay casuumaad uga timid hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi K Kim Jong-un si ay u qaataan kulan fool ka fool ah.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale sheegtay “in ay ka go’antahay” in ay soo afjarto hubkeeda wax gumaada ee nukliyeerka ah.
Faahfaahin dheeri ah kama soo bixin – Kuuriyada Waqooyina wali si toos ah ugama aysan hadlin wali – laakiin haddii ay wadahadalladu qabsoomaan waxay noqon doontaa markii koobaad ee ay kulmaan madaxweyne xilka haya oo Maraykan ah iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho ayaa Sweden booqday sannadkan horraantiisii, waana goobta ay macquulka tahay in uu wadahalkaasi ka dhaco. Waxaa si wayn looga soo qaaday in uu qabanqaabinayo kullankaas.