Man City Oo Rekoodhayaal Ku Garaacday Liverpool Iyada Wembley Stadium Ku Qaaday Capital One Cup-ka Iyo Goolhaye Caballero Oo Rekoodhayaal Ka Badbadiyay Lucas Lieva, Adam Lallana Iyo Philippe Coutinho

0
605

Manchester City ayaa ku guulaysatay koobka Capital One Cupka kadib markii ay rekoodhayaal 3:1 ay ku garaacday kooxda Liverpool. Labada kooxood ayaa waqtiga dheeriga ah isla tagay kadib markii waqtiga rasmiga ah ciyaartu ku dhamaaday barbaro 1:1 ahaa laakiin ugu danbayn City ayaa Reds ku garaacday rekoodhayaal iyada oo goolhaye Caballero uu gool ku laadyo ka badbaadiyay Lucas Lieva, Adam Lallana iyo Philippe Coutinho.

Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa finalka Capital One Cupka iskga horymid garoonka xulka qaranka England ee Wembley Stadium, wuxuuna kulankani ahaa finalkii ugu horeeyay ee ay labada kooxood ku tartamayeen kulan final ah taariikhda labada kooxood.

Liverpool ayaan ku jirin tartanka horyaalka Ingiriiska oo aad uga fogtahay, waxayna horeba uga hadhay FA Cupka laakiin fursada ay kooxda Klopp koobab ugu guulaysan karto ayaa ahayd Capital One Cupka oo ay City la ciyaaraysay iyo Europa Leaque-ga oo ay wareega 16 ka kooxood la ciyaari doonto Man United, waana sababta uu kulankani muhiimada gaarka ah ugu lahaa Klopp iyo wiilashiisa Reds.

Dhinaca kale Manchester City ayaa ku jirta tartanka horyaalka Ingiriiska waxayna sidoo kale ku jirtaa Champions Leaque-ga laakiin Capital One Cupka ayuu Pellegrini u arkayay in uu Sky Blues ka caawin karo in ay kalsooni wayn u helaan koobabka kale ee ay u tartamayaan waana sabab uu City kulankani muhiim ugu ahaa.

Liverpool (4-2-3-1)::Mignolet, Clyne, Lucas, Sakho, Moreno, Can, Henderson, Milner, Firmino, Coutinho, Sturridge

Kaydka:Bogdan, Toure, Benteke, Lallana, Allen, Origi, Flanagan

Man City(4-2-3-1):Caballero, Sagna, Kompany (C), Otamendi, Clichy, Fernando, Fernandinho, Toure, Silva, Sterling, Aguero

Kaydka:Hart, Kolarov, Zabaleta, Demichelis, Navas, Iheanacho, Bony

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay qaab ay labada kooxood ay taxadar dheeraad ah ay ka muujinayeen inay weeraro badan qaadaan laakiin Liverpool ayaa bilawgii ciyaarta aahyd kooxda kubbada fiican isku dhiibanaysay laakiin waxayna si deg deg ah u dhiiranayn in ay difaaca City si buuxda u tijaabiso.Daqiiqdaii 15 aad labada xidig ee Liverpool ee Mamadou Sakho iyo Emre Can ayaa si xun iskugu dhacay taas oo keentay in Sakho uu soo gaadho dhaawac laakiin Mamadou Sakho ayaa ciyaarta sii watay in kasta oo muuqatay in Sakho aanu ciyaarta dhamaysan karin.

Fursadii ugu horaysay ee ciyaarta ugu halista badnayd ayaa timid daqiiqadii 23 aad waxaana fursad cajiib ah helay Sergio Aguero kaas oo ka faa’iidaystay dhaawicii Sakho soo gaadhay wuxuuna darbo uu goolka Liverpool ku bartilmaameedsaday si FANTASTIK AH  badbaadiyay goolhaye Mignolet kaas oo City goolka furitaanka ka beeniyay.badbaadinta uu sameeyay Mignolet ayaa birta goolka ku sii dhacday.

Mamadou Sakho ayaa awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato waxaana ugu danbayn ciyaarta laga laga saaray daqiqidii 25 aad waxaana lagu soo badlay Kolo Habib Touré, markale ciyaarta ayaa noqotay mid fursadaha goolal lagu dhalin karaa ku yar yihiin.

Dhamaadkii qaybta hore Liverpool ayaa abuurtay fursado badan oo ay si fiican kubbad fiican iskugu soo dhiibteen laakiin fursad abuurista badnayd ee ay Reds samaysay ayaan noqon kuwo ay goolal u badali kareen iyada oo difaaca City oo ka amar qaadanayay qalbi difaacooda Kompany ay iska ilaaliyeen halista Liverpool, waxayna qaybta hore ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Man City soo laabtay iyada oo ah kooxda dardarta xoogan ku socotay waxayna  markiiba heshay fursado hordhac ah laakiin daqiiqadii 49 aad ee bilawgii qaybta danbe Man City ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana goolkan Sky Blues u saxiixay Fernandinho kaas oo kubbad xoogan ku dhaqaajiyay shabaqa Liverpool, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay City hogaanka kula wareegtay.

David Silva ayaa kubbad dheer u soo tuuray Sergio Aguero kaas oo si buuxda u mashquuliyay difaaca Reds kadib waxa uu kubbada u bixiyay Fernandinho kaas oo darbo aan la joojin karin goolka Reds meel dhaw kaga tuuray Liverpool, goolhaye Mignolet ayaan waxba ka samayn goolkan.

Liverpool ayaa markiiba si xoogan kaga jawaabtay goolka looga hormaray waxaana daqiiqadii 55 aad Liverpool u keeni gaadhay James Milner kaas oo kubbad fiican ka helay Daniel Sturridge oo aan saamayn fiican ku lahayn ciyaarta laakiin darbo uu sameeyay Milner ayaa goolka City wax yar u martay.

Ciyaarta ayaa noqotay mid xiiso badan City bilawday in ay qaab ciyaareedkeeda badasho, marka ay kubbada hayso weerar deg deg ah ayay qaadaysay halka ay markale difaaceeda xidhanaysay laakiin daqiiqadii 59 aad Manchester City ayaa heshay fursad LAYAABLEH  oo aan la rumaysan karin kadib markii uu Raheem Sterling uu kubbad hal-ka- hal ah uu goolhaye Mignolet ugu soo baxay waliba goolka ayuu kubbada la hortaagnaa laakiin xidigii hore ee Liverpool ayaa kubbada si lama filaan ah banaanka u mariyay.

XAMAASAD IYO GO’AAN WAYN: Daqiiqadii 61 aad Manchester City ayaa si WAYN  ugu dooday in ay rekoodhe cadaan ah heshay kadib markii uu  Yaya Toure kubbad dilaa ah la ciyaaray Aguero laakiin Alberto Moreno ayaa isku dayay in uu kubbad ka taabto Aguero oo xerada ganaaxa Reds ay kali ku noqdeen, Aguero ayaa dhacay waxayna xamaasadu noqotay mid aan caadi ahayn, laakiin garsoore M. Oliver ayaan waxaba tilmaamin.

Kadib markii ay City isla lumisay fursado cajiib ah oo ay ciyaarta ku dili lahayd isla markaana uu Sterling  ahaa xidiga fursadaha ugu layaabka badnaa uu lumiyay ayay ugu danbayn Liverpool heshay goolkeeda barbaraha ee ay ciyaarta dib ugu soo laabtay waxaana daqiiqadii 83 aad goolka xamaasada garoonka kiciyay Reds u dhaliyay Philippe Coutinho kaas oo Reds ka saaray cadaadis aan caadi ahayn oo ay ku  jirtay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

DAQIIQADII 85 aad City ayaa u muuqatay in ay markiiba soo ceshatay kadib markii uu Kompany umuuqday in uu ciyaarta go’aamiyay laakiin goolhaye MIGNOLET ayaa markan Reds badbaadiyay markale daqiiqadihii 87 aad iyo 89 aad Mignolet ayaa sameeyay badbaadino aan la rumaysan karin kadib markii ay Fernando iyo Yaya Toure laakiin Mignolet ayaa sabab u noqday in ciyaarta waqti dheeri ah lagu daro, waxayna 90 kii daqiiqo iyo 3 daqiiqo oo dheeri ahaa oo ciyaarta lagu daray ay ku dhamaadeen barbaro 1:1 ah.

WAQTIGII DHEERIGA AHAA:Waqtiga dheeriga ah ayay labada kooxood ku bilawdeen qaab ciyaareed heerkiisu uu aad u hooseeyo laakiin hal fursad oo kaliya oo 15 kii daqiiqo ee hore ee waqtiga dheeriga ah la sameeyay ayaa ciyaarta si dhab ah u go’aamin karayay laakiin markale fursadaas ma noqon mid loo dabaal degay.

Daqiiqadii 15 aad ee waqtiga dheeriga ah  SERGIO AUGUERO   ayaa kubbad dilaa ah goolka Liverpool hortiisa ku helay wuxuuna si fool-ka -fool ah uu ugu soo baxay goolhaye Mignolet oo kulankan muujiyay qaab ciyaareed layaableh , Auguero ayaaba u muuqday in uu goolka guusha u dhaliyay City laakiin MIGNOLET ayaa hal gacan goolkan ku badbaadiyay.

DAQIIQADII 18 aad ee Liverpool ayaa heshay fursadii ay ciyaarta guul kaga gaadhi lahayd kadib markii uu Divock Okoth Origi helay fursad gool cadaan ah loo fishay laakiin goolhaye CABALLERO! ayaa markiisa sameeyay badbadin cajiib ah si uu ciyaarta nonol ugu sii hayo.

QALAAD FADEEXAD AH: James Milner ayaa sameeyay qalad aan la rumaysan karin, waxa uu hadiyad aan si sahlan lagu helin uu siiyay Sergio Aguero, Milner ayaa doonayay in uu kubbada madax ku siiyay Mignolet laakiin Aguero ayaa dhexda ka helay balse Aguero ayaa si lama filaan ah kubbada birta goolka u dulmariyay. markale labada kooxood ayaa barbaro 1:1 ah ku kala baxay 120 kii daqiiqo iyada oo markale labada kooxood ay waqtigii dheeriga ahaa ku kala bixi waayeen, waxaana sida sharciga ah loo dhigay rekoodhayaal.

REKOODHAYAASHA:

Inkasta oo uu Emre Can uu rekoodhe fiiican uu Liverpool ugu furay ayay Lucas Lieva, Adam Lallana iyo Philippe Coutinho ay lumiyeen rekoodhayaashii ay tuureen balse inta kasta oo uu Fernandinho rekoodhadii ugu horaysay uu ka lumiyay City haddana  Jesús Navas,Sergio Leonel Agüero iyo  Gnégnéri Yaya Touré ayaa City u horseeday in ay ugu danbayn Liverpool ka guulaysato waxaana amaan WAYN KU LEH goolhaye CABALLERO! oo Lucas Lieva, Adam Lallana iyo Philippe Coutinho ka badbaadiyay rekoodhayaashii ay tuureen. Waxayna rekoodhayaashu ku dhamaadeen 3:1 ay City koobka Capital One cupka ay ku qaaday.

callkj calabbv calanb calaKlopp-and-Pellegrini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here