Maleeshiyaadkii Muumulka Puntland oo isaga baxay fadhiisimahoogii Tukaraq

0
731

 

Maleeshiyaadkii Muumulka Puntland oo isaga baxay fadhiisimahoogii Tukaraq

Garoowe (Halsan)- Ciidamadii maleeshiyaad beeleedka ahaa ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa shalay saldhigyo kala duwan oo ay ku sugnaayeen isaga baxay, gaar ahaan kuwii fadhiyay jiidda Tukaraq.

Ciidamada Maamulka Garoowe oo qaab-dhismeedkoodu marka horeba u diyaarsanaa qaab beelaysan oo u kala joogay qaabka beelaha ay ka soo jeedaan ayaa waxa xaaladda oo muddooyinkii dambe ku xumayd  uga sii daray sida ay wararku sheegayaan markii uu dorraad guul darraystay oo shan cod lagaga badiyey Mid ka mid ah Musharaxiinta tartamaysay oo ay si gaar ah u taageersanaayeen kaasi oo ninka dhallinyarada ah ee Janaraalka ahaa oo lagu magacabo Asad Cismaan Cabdilaahi Diyaano kaasi oo kaalinta labaad ka galay tartankii doorashada ee lagu doortay Siciid Cabdilaahi Maxamed Deni.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Garoowe ayaa sheegaya in shalay galinkii hore Guutooyin fara badan oo ku kala sugnaa goobo kala duwani isaga baxeen xarumihii ay daganaayeen kuwaasi oo magaalooyinka iyo tuulooyiinka u kala yaacay iyaga oo gaadiidkooda wata taasi oo keentay in ay kulan degdeg ah isugu yimaaddaan madaxtooyada Puntland Madaxweynaha la doortay, Madaxweynaha xilka sii haya ee laga guulaystay iyo saraakiisha ciidamada kulankaasi oo ay kaga arrinsadeen xaaladdan culus ee Maamulkooda soo food saartay.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay galab warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shacabka iyo ciidamada Puntland ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee la doortay Siciid Cabdilaahi Deni halka ninkii tartanka adag la galay Madaxweynaha la doortay ee Asad Cismaan Cabdilaahi oo qoraal dheer ku baahiyay barta uu Facebook ku leeyahay uu ciidamada ugu baaqay in ay xarumahooda ku noqdaan oo la shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay.