Mala fahmay intuu madaxwayne siiranyo xilka hayay dhibaatooyinka ka dhacay dalka ee ay keentay maamul xumada madaxwayne siiraanyo ee golihii guurtiduna noqotay mas cunaaya mustaqbakii somaliland?

0
758

Inline image 1
1 Wasaarad la iibsho dhulkeedii iyo dhiskeedii bilaa sobob:wasaaradii duulista

2 Kaalin la iibsho : sida kaalintii kaydka shidaalka dawlada hoose hargaysa

3 Magtabad la iibsho :sida gaandi oo kale

4 Mashaariic been ah oo madaxwayne xadhiga kajaro :sida labadii riig ee :dagmada farawayne

5 Dagaal joogta ah oo xisbil xaakimkii gudahiisa ah oo markii hore keenay in laysku adeegsado rasaas markii dambana keenay in mar qudha ay kadareerto xukuumadiisa ku dhawaad labaatan masuulo sare ah marqudhaata

6 Lix dil oo ka kala dhacay lixda gobol ee somaaliland oo ah saraakiil ciidan oo ay dileen askartay xukumayeen

7 Haamihii shidaalka oo uu goluhu kudiiday cod aqlabiyad ah in aan lawareejin oo uu kuwareejay digreeto indha la,aan ah madaxwaynuhu

8 Iibinta labadii warshadood ee laydhka sida hargaysa iyo Barbara

9 Waxa kadhacay xabsiga hargaysa maxaabiis askar laysay

10 Waxa kadhacay saldhiga koodbuur askari dilay maxbuus xidhan

11 Wuxu bilaabay in uu hogaamiye dhaqameed reer konfureed ah ku casuumo hargaysa oo ah tasobobtay in turkigu yidhaaho wada hadalkii waxan ubadalay hogaamiye dhaqameed ee inoo eekaysiisay mamul goboleedyada somaliya

12 In laqaado cashuuro xad dhaaf ah oon haba yaraatee aanu jirin xeer jideeyay intooda badan oo ay kudhiban wasiirka maliyada iyo mayiradu dadka masaakiinta ah oon laqaadi Karin hadii aan waxlaga qaban

13 Xukuumad kala hadasha ood moodo in ay yihiin golaheeda wasiiradu toban dawladood oon shaqo isku lahayn oo iska soo horjeeda oo iyaba foolxomo siyaasadeed leh oo fashilin karta sirta qaranka hadii aan wax laga qaban

14 Gudiyo lamagacaabo oon haba yaraatee kharash mooyee aan qaranka aan wax faa,iido ah ulahayn oon la arag iyaga oo kenay wax midha dhal ah oo macnuhu yahay xilkii loo igmaday madaxwaynaha oo ay gudiyo hayan oon dastuuka qaranka meela kaga oolin oo iyaba ah mamul xumo madaxwayne

15 Hanti dhawre fadhiid ah oo aan shaqayn oo ubaahan in labaafiyo halkay mareen haday jiran maxaase loo waayay iga oo soo hordhigay malin qudha wax xisaab xidh ah ama lunsi hanti qaran mudo ah shan sano iyo lix bilood oy xilka haysay xukuumadan Axmed siiranyo

17 Hanaankii xisbiyada xorta ah oo loo badalay hanaan qabyaaladeed oo uu noqday ka ku ol olleeya qabyaalada xisbiga kulmiye

18 Sixir bararkii ugu ba,naa ee soomara somaaliland abid iyo abaaro baahsan oo uu hadana madaxwaynuhu kukordhiyay cashuurtii wixii ahaa daruuriga silo bakhtiyo oo ay dadwaynuhu ugabaxan meesha markay tahli kariwaayay waxay siistan waxla cuno

19 masaajid la iibsho baarkinkiisii: sida masaajidka gobalka ee kasoo horjeedka xisaabadka guud oo uu kaga hadlay imaamka masajidku dhawr jimce khudbadii

20 murankii xisbiyada oo maxkamad isla galay markay ku heshiin waayeen mudo kordhintii loo sameeyay madaxwaynaha oo iyaba ceebteeda leh

21 saxaafad lacabudhiyo oo khadka laga saaray warkayskii haatuf oo laga qaaday ruqsadii oo aan lasheegin dambiga uu kumutaystay

22 faragalin xukuumadeed oo kadhan ah baarlamanka sida kaalay oo wasiir noqo ama kulmiye noqo aan wax kusiinee oo meesha kasaartay madax banaanidii golaha wakiilada oo aan lahayn awodii ay kudifaaci lahaayeen xuquuqdii dadwaynihii ay ka wakiilka ahaayeen oo ah in manta lagaqaado dadka cashuuro aan laga ansixi golaha wakiilada ee ay ahayd shaqadoodii ee uu marba madaxwaynuhu dadka kaqado wuxu doono oo cashuur ah

23 gacan kahadalkii golaha wakiilada oo gaadhay foolxumadii ugu darnayd oo ay dabada kariixaysay xukuumadu iskudhaca shirkudonka golaha wakiilada

24 masuul looxidho lunsi hanti qaran oo xilkii lagaqaaday oo xabsiga loo taxaabay hadana layidhi waxba muu lunsan oo lasoo daayay oo loo magacaabay xil lamid ah kii hore ee uu hayay oo iyaba layaabkeeda leh

25 xabaalo layidhaahdo waa la iibshay sida danjirka dahsoon ee magaalada hargaysa

26 tayo xumo ku dhacday iskuuladii dawlada iyo maamul xumo baahsan oo aad moodo meel laga guuray ay boqolkiiba sideetan qiima dhacday halkay maraysay xiligii madaxwayne riyaale waxbarashada iskuulada dawliga ah

27 sariimado kiro ah sida sedexda sariimadood ee waaxda kood buur ee hargaysa ee ay sheerka kuleeyihiin mayirka iyo kuxigeenkiisa ee dadka qasabka lagu geeyo

28 dad dad ladulfuro si layskugu dhaco sida tiyaatirka+adanmaal+eeriyada Daaud baqayo ee ku began dhakhtarka galbeedkiisa oo laleeyahay madaxwaynaha laba jeer bixiyay

29 sarifkii uu madaxwaynuhu hoos udhigay oo keenay khasaare baaxadleh oon loo meel dayin oo u eekaa mid umada lagu baabiinayay inta kasoo hadhay abaarta iyo camala,aanta baahsan

30 wasiiro intooda badani yihiin kuwo bilaa tayo ah oon lasocon xaalada nololeed ee dadku kusugan yahay oo aad moodo ajanabi aan udhalan dalkan markad eegto sifahay udhaqmayan oo ah calooshooda ushaqaystayaal ah

31 siyaasadii arimaha dibada oo soo oodantay oy kufashilantay xukuumadan axmed siiranyo oo aan la arag madaxwaynaha iyo wasiiradiisa oo lakulmay wasiir iyo agaasime toona oo ay kusoo ururtay taladoodu dawlada hoose iyo dad reer Somaliland ah oo kujira xiryo qoxooti oo yurub ah oo lagu tago safar wadareed lagu lunsado cashuurta yaree ah dheecankii laga soo nuugay dadwaynaha ubadan bilaa camalka

32 safarkii madaxwaynaha oo kagaabshay in uu soo kormeero xaalada abaaraha ee kudhacay galbeedka iyo koonfurta iyo woqooyiga hargaysa oo ah haytusina meel abaar ah oo iyaba ah in madaxwaynuhu aanu wadanka usinayn oo uu dhan kararanyahay

33 shir beeleedyadii lagagudbay oo lasoo nooleeyay oo ah shaqo siiranyo madama uu kuyimid shirkii gar adag oo ah murashaxii madaxwaye ee ugu horeeyay Somaliland ee lagu doorto qabyaalad

34 doorashadii golaha daganka ee haatan oo ahayd doorashadii ugu xumayd ee soomarta Somaliland ee keentay khasaare dhimasho iyo dhawac iskugu jira oo uu noqday midheheedu maayiro aan kala garanayn xafiisyada qaranka iyo guryohooda oo inta badan wakhtiga kulumiya hurdo iyo qayilaad iyo tamashlayn oo aanu kujirin nin qudha oo aqoon uleh shaqada maayirnimo oo kuyimid shaqo siiraanyo

35 maxaa keenay in laga horjoogsado madaxwaynaha in ay warbaahintu wax ka waydiiso xaalada uu maraayo dalku miyan loo doran in uu umada wax usheego ama wax lawaydiiyo ma wasiirbaanu udooranay dalka oo jeedin kara wixii larabo in uu kahadlo madaxwaynuhu ooubaahan go,aan madaxwayne

36 maxaa keenay in ay isku qabsadan dakadaha iyo kastamada oo kaxaaransan in waxlaga wadiiyo kooxo ama ay beelo oo ay isku qabsadan oo uu udaba fadhiisto madaxwaynuhu beelo xilkii loo igmaday si la iskugu dhaco oo nabadu faraha kabaxdo